Reysulwasaaraha Dowlada Federalka Somlaiya oo Kulan La Qaatey Banki Moon

0
100

SharmarkeRa’iisal wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmarke oo ka qeyb galaya shirka kala fadhiga Golaha amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa xafiiskiisa ku booqday xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Banki-moon.

Ra’iisal wasaaraha iyo Xoghaha guud ayaa ka wada xaajooday arimo la xiriira hormarkii ugu danbeeyay ee Soomaaliya ay gaartay.

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya ayaa carabka ku dhuftey in Dowlada waajibaad uu ka saaran yahay iney ixtiraamto Laamaha Dowlada sharci dejinta iyo Fulinta.

Sidoo kale,Wuxuu Cumar Cr/rashiid u sheegay Banki Moon in Bulshada iyo dadka Talada ay ka go’do lagala tashanayo sida ay noqon karto doorashada la filayo iney dalka ka dhacdo sanadka 2016-ka,inkastoo Dowlada horay u shaacisay inaanay qof iyo cod doorasho dalka ka dhici Karin.