Ciidamo Ka Tirsan Alshabab oo La Wareegey Gacan Ku heynta Camaara iyo Bacaad-weyn

0
59

Xoogagga Al-shabaab ayaa la Wareegay laba Deegaan oo ka Tirsan Gobolka Mudug ee Bartamaha Somalia, kuwaasoo ku dhow Degmada Xarar-dheere ee Gobolka Mudug oo ay Maamusho Al-shabaab.

Deegaanada ay Al-shabaab la wareegtay ayaa waxaa ka mid ah Camaara iyo Bacaad-weyn; iyadoo Mas’uuliyiin Magacyadooda Qariyay ay u sheegeen Warbaahinta Gudaha iyo kuwa Caalamka.

Sidoo kale, wararka ayaa intaas ku daraya in deegaannadan aysan ku sugnayn ciidammo ka Tirsan kuwa Dowladda Somalia iyo maamulka ka jira Gobollada Dhexe ee Somalia, Mana jirin wax iska-horimaad ah oo ay la kulameen.

Dhanka kale, Al-shabaab oo iyaduna ka hadashay qabsashada deegaanada ayaa xusay inay si Nabad-galyo ah kula Wareegeen Deegaannadaas, ayna iyagu Haatan si buuxda Gacanta ugu hayaan.

Warbaahinta taageerta Al-shabaab oo soo Xiganayay Saraakiisha kooxda ayaa baahiyay in boqolaal ciidammo ah oo Al-shabaab ka tirsan ay Deegaannadaan la Wareegeen, wax iska-caabin ah oo ay la kulmeenna aysan jirin.