Hoyga Isbaarooyinka Dalka Somaliya ee Gobolka Shabeelaha Hoose oo Lasoo Dhigey Isbaarooyin Horleh

3
162

isbaaroIsbaarooyin hor leh ayaa la soo sheegayaa in la soo dhigay Deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha hoose, halkaasi oo la soo warinayo inay soo dhigteen ciidamada Dowladda, gaar ahaan ciidamada Militeriga

Degaankan Mareerey waxay 5KM ilaa 7KM u jirtaa Degamada Afgooye, 7KM oo ay yaalaan 11 isbaaro.

Guddoomiyaha deegaanka Mareerey Sayid Baalle Mayow oo banaanka ka jooga deegaankaasi ayaa u sheegay Warbaahinta in Isbaarooyinkaan ay yihiin kuwo ay dhigteen rag ku labisan dareeska ciidamada dowladda Soomaaliya.

Darawalada gaadiidka ayaa ka cabanaya Isbaarooyinkaan la soo dhigay oo waxa ay sheegayaan in dhaqaalo badan looga qaado wadada, taasina ay sii dheer tahay dhaca ciidamada Militeriga ay u geystaan gaadiidka shacabka ay saaran yihiin.

Maamulka Gobolka Shabeellaha hoose ayaa u caal waayay wax ka qabashada dhibaatooyinkaan ay ciidanka Militeriga ku hayaan dadka shacabka ah iyo gaadiidleeyda intuba.

Gobolka Shabeellaha hoose ayaa ah Gobolka ugu badan ee ay yaallaan isbaarooyinka dadka shacabka ah lagu dhibaateeyo.

Si kastaba arintu ha ahaatee waxaa kaloo xusid mudan in Degmada Afgooye ay isbaarooyin ay u yaalaan Ciidanka Police ka Soomaaliyeed oo maalintii kasameeya Tobanaan Kun oo Dollar, xilli isbaarooyin kaan lagu dilo, lagu kufsado, lagu Jirdilo, laguna dhaco Shacabka Soomaaliyeed

3 COMMENTS

  1. innaali llaahi wa inaaileyhi Raajicuun… Farta Waniineyso Wobigaay Kawar Qabtaa
    Kuwaan Waa Yeey Ooo Dadka Cunna.. isbaaradaha Xassan Shiikh Ayaa Ku Soo Fasaxey Meeshaan Waayo
    Dadkaan iskama Dhicin Karraan , Kuwaanna Waa Dad Gowoladooda Ay Kala Danbeeyaan Oo
    Wax isbaaro Aan La Dhigan Karrin, Xassan Shiikh Ayaa Soo Aaadiyey Oo Ku Dhahay Meeshaan Wax
    Baa Yaala Ee iskugu Taga

  2. daafeet aad ayaan uga xumahay in dad dhulkooda lagu gumaysto
    talo ayaan sii nayaa dadka asal ahaan dhulka iska leh ma tiro yari ayaad la cabsoonaysaan mise tamar yari
    waxaan maalin ka duulay garoon dayuuradeed oo ku yaala meel 11500 ( kow iyo toban iyo shanboqol oo km ka xiga waqooyi ama galbeed gobolka shabeelaha hoose
    markii aan gaadhay shabeelaha hoose aad ayaan ula yaabay dadka masaakiinta ah ee halkaas ku dhiban
    waxaan gaadhi uga safray muqdisho anigoo u sii socda afgooye wax dhib ah ma arag ,markii aan gaadhay afgooye ayaan arkay istab baabuurta la joogo iyo dad aan dirawalo u maleeyay oo iskula hadlaaya taleefan oo isu cabanaya
    in yar ka dib waxaan goaan saday in aan ka tago afgoooyo ilaa jidka baydhabo ayaan gaadhi u raacay dadkii aan baabuurka wada saarnayn ayaa I waydiiyay in aan sito lacag waayo jidkaa li isku dhacayaa ayaan ka maqlay waxaan ku idhi 20 dollar warkaa oo dheer dib ayaan ka soo qori doona
    dulucda hadal aan u daadagee waxaan la yaabay dadka gobolka waa imisa qabiil
    dulmiga miyaa loo dhashaa
    anaa dadaal aad kaga baxdaan idiin hayee ila soo xidhiidha cinwaankayga

Comments are closed.