Lex Ruux oo Ka Tirsan Maamulka Shariif Xasan oo Lagu Soo Eedeeyey Iney Jabsadeen Qasnada Dhaqaalaha Ee Degmada Afgooye

1
154

lacag shilin somaliLex ruux oo ka tirsan Maamulka Shariif Xasan oo lagu soo eedeeyey in ay lunsadeen lacag tiradeedu gaareysa 7.75000.000 oo shiling somali ah una dhiganta 321 kun oo dollarka mareykanka ah.
Lacagtan ayaa kolkii laga waayey qasnada degmada afgooye waxaa loo xil saarey gudi ka kooban 6 xubnood oo kala ah si ay baaritaan ugu soo sameeyaan.

1- Cabdulkhadir Nuur Carale
2- Axmed Xasan Fiqi
3- Cabdullahi Cabdi Cumar
4- Xuseen Cali Xaaji
5- Eng Cabdirashiid Maxamed Axmed
6- C/llahi Muse Abuukar

Gudigan loo xil saarey iney soo baaraan lacagtan halka ay martey ayaa waxaa gudiga kula jirey ninka lagu magacaabo Maxamed cabdullahi Mursal oo ay shariifka si aad ah isugu dhow yihiin isla markaana ah wasiiru dowlaha madaxtooyada maamulka shariif oo diidey in la sameeyo baaritaanka.

Gudiga ayaa baaritaano kadib waxaa ay soo gudbiyeen in lacagtaasi ay ku maqan tahay 6 xubnood oo ka tirsan maamulka shariif xasan oo la kala yiraahdo.

1- Cumar Maxamuud Muuse ( Cumar fareey ) Xoghayaha dowlada hoose ee degmada afgooye
ee Maamulka Shariif Xasan ( Abgaal warsangeli )
2- Cali Nuure Siyaad Gudoomiye ku xigeenka amniga gobolka shabeelaha hoose ee maamulka Shariif Xasan ee Maamulka Shariif Xasan ( Habar Gidir Cayr ).
3- Maxamuud Daahir farax Qooleey Isu duwaha wasaarada maaliyada ee Maamulka Shariif Xasan ( Saleemaan Habar Gidir )
4- Maxamed cabdullahi Mursal Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Maamulka Shariif Xasan ( Asharaaf )
5- C/rahmaan Ibraahin Wasiirka arimaha gudaha maamulka shariif xasan ( Hariin )
6- Sheekh Xasan Ibraahin Lugbuur Wasiirka maaliyada maamulka shariif ( Luwaay )

Kooxda lexda ayaa la sheegayaa in ay ku maqan tahay lacag tiradeeda gaareyso 321 kun oo dollarka mareykanka ah.

Si kastaba arintu ha ahaatee ma aha markii ugu horeysey oo ay maamulka shariif xasan jabsadaan qasnada dhaqaalaha ee degmada afgooye ayagoo aan la garaneynin halka ay lacagtaasi tagto maadaama wasiirada maamulka shariif aysan weligoodba wax mishaar ah qaadan.

1 COMMENT

  1. waxaa intaasi usii dheer in maalintiiba 15,000,000 Sh So. Loo dirayey Dagaalada kasocda Degmada Marka iyadoo Hab Beeleed ah, qaasatan Beesha Habargidir Maleeshiyadeed ayaa loo dirayey sida Baaritaanka ku cadaatey

Comments are closed.