Dhegayso..Faah-Faahin dheeri Iska hor imaad sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay degmada Buuloxaawo ee Gedo

0
35
mariIska horimaad muddo kooban socday  ayaa duhurnimadii maanta ka dhacay Degmada BuuloXaawo ee Gobolka Gedo, iyadoona uu u dhaxeeyay laba maleeshiyo oo ka wada tirsan Ciidamada Maamulka degmada BuuloXaawo.
Ciidamadan oo ku dagaalamay BuuloXaawo oo u abaabulan qaab beeleed ayaa waxay ka soo kala jeedaan Hal Beel oo isla deegaanka ah,kuwaasi oo todobaadkii u dambeeyeyna gudaha BuuloXaawo ay ku dhex martey is rasaaseyn sababtey dhaawaca hal askari.
Nabadoon Daahir Aden Yuusuf oo ka mid ah Odoyaasha Degmada BuuloXaawo oo wareysi siiyey Warbaahinta Wadajir ayaa sheegay iska hor imaadka maanta ka dhacay BuuloXaawo in ay ku dhinteen Labo Ruux oo mid ay tahay haweeney,halka ilaa 9 ruux oo u badan dad shacab ahna ay ku dhaawacmeen.
Nabadoonka waxaa uu tilmaamay iska hor imaadku in uu ku saleysan yahay is afgaranwaa xaga Qaba,ilka oo uu dhaxeeya labada Beelood,islamarkaana uu saamayn ku yeeshay dhaq dhaqaaqii ganacsi ee ka jiray Degmadaasi BuuloXaawo, inkastoo saacado ka dib ay mid caadi ah ku soo noqotay xaaladda Degmada,balse weli ay jirto Cabsi.
Odayaasha Dhaqanka iyo Maamulka Jubbaland ee BuuloXaawo ayaa waxay dadaal ugu jiraan sidii ay u qaboojin lahaayeen Xiisada colaadeed ee ka soo cusboonaatey BuuloXaawo,iyagoona Baaq nabadeed ka dalbadey labada dhinac.