Musuqmaasuqa Maamulka Shariif Xasan oo Sababey In wax Laga Siin Waayo Lacagtii Ay Bixisey World Bank

0
66

farkeeti-2_FotorHey’adda lacagta Aduunka ee marka la soo gaabiyo loo yaqaan(World-Bank)ayaa Dawladda Federaalka iyo Dawlad Goboleedyadda Boobland iyo Puntland u ogolaatay lacag-gaaraya 144-Malyan oo Doolar inay si siman u wada qaybsadaan halka loo diiday inay lagactaas loo dhiibo Koonfurgalbeed iyo Galmudug.

Heshiiskan waxaa wadda saxiixay Madaxa Bangiga Aduunka ee Afrika Miss Bella Bird iyo Wasiiraddaha Maaliyadaha Dawladda Federaalka Mudane Mohamed Aden Fargeeto iyo kuwa Boobland iyo Puntland,waxaana lacagahan ku deeqay Dawladaha Norway,Sweden,Italy, UK iyo Midowga-Yurub(EU)

Lagactaas loogu tala galay in lagu dhiso maamulada Dowlad Goboleedyada iyo Dawladda Federaalka shanta sano ee soo socota si ay u bixiyaan mushaarka shaqalaha. Deeqdaas lacageed ayaa ah mid Deeq. Waxaana la soo marsiin-doonaa Bangiyadda Muqdisho,Kismaayo iyo Garoowe,waxaana dusha kala soconaya bil-kasta Hey’adaha IMF iyo UNDP oo ka tirsan Qaramada-Midoobay.

Boobland iyo Puntland ayaa Miss Bella Bird sheegtay inay buuxiyeen shuruudihii la hor-dhigay,balse waxay ka cudur-daaratay Maamuladda Koonfur-Galbeed iyo Galmudug-State inaysan buuxin shuruuhidii laga doonayay,waxayna siiyay warqad ay ku qoran-tahay (diidmo)

Maamulka Koonfur-Galbeed oo Shirka laga sheegay ayaa shirka ka baxay ayagoo niyad jabsan, sababta loogu diiday waxaa lagu qeexay inuu maamulkaas yahay mid ku kooban gacmo laba qof oo kaliya oo aysan lahayn Barlamaan, waxaa kaloo la sheegay inay ku guuleeysan waayeen dhismaha maamulka iyo hab maamulka lagactaba, waxaa kaloo la sheegay inay meesha ka jiraan musuq-maasuq xad dhaaf ah.

Tani waxay hogaanka koonfurgalbeed ku noqoneeysaa niyad jab wayn, waayo ma aha kuwa haysta kalsoonida shacabka, waxaa kaloo loo sheegay inaysan aqoonsanayn wasiirada xad dhaafka ah ee Koonfur Galbeed, kuwasoo aan aqoon u lahayn hab dhismeedka maamulka.

Mar laga weeydiiyay Mudane Fargeeti sababta uu ugu doodi waayay waxaa uu sheegay inay aad ugu adkaatay inuu difaaco maamul aan lahayn hab-maamul dhismayd wax lagu siiyo, waxaa kaloo sheegay in aduunka uu walwal ka qabo hadii lagactaas gacanta loo geliyo maamulka inaysan gaaraneynin meesha loogu tala galay, waayo waxaa meesha ka jira musuq maauq wayn.