Shariif Xasan oo Odayaashii U Xareysnaa Kulan Maanta La Yeelanaya si Barlamaan Loosoo Xulo Maadaama Lacagtii Loosoo Diidey

0
34

shariif sakiinKadib kolkii maamulka Shariif Xasan lacagta looga soo diidey magalada muqdisho waxaa uu maalintii arbacada si deg deg ah ugu duuley magalada baydhabo si uu boorka uga jafo soo xulista xildhibaanada baarlanmaanka oo uu in dhaweydba diidanaa in lasoo gabagabeeyo xulistooda.

Maanta oo khamiis ah ayaa sida aynu ku heleyno wararka waxaa magalada baydhaba si deg deg ah ugu kulmi doona odayaasha dhaqanka oo shariifka ugu xareysnaa magalada baydhabo in muda ah iyo Shariif Xasan kulankoodana waxaa ay si deg deg ah ugu qeybsan doonaan foomam loogu tala galey in odayaasha dhaqanka ay kusoo qoraan shaqsiyaadka uga mid noqon doona golaha baarlamaanka Shariif Xasan ee fadhigiisu yahay magalada baydhaba.

Talaabadan uu qaadey Shariif Xasan ayaa waxaa ay imaneysaa ayadoo uu kusoo guul dareystey inuu dhaqaale maamulkiisa mala awaalka uu ku wado kasoo helo beesha caalamka.

si kastoo loo dhigaba kulanka maanta ka qabsoomi doona magalada baydhabo ayaa waxaa la saadaalin karin halka uu sal dhigto maadaama beelaha wada dega koonfur galbeed aaney weli jirin qeyb ay ku hishiiyeen ayadoo weliba ay jiraan kooxo uu shariifka jaabka ku wato oo uu damacsan yahay in uu kusoo daro baarlamaanka maamulkiisa taasi oo diidmo aad u badan ay kaga hor yimaadeen odayaasha dhaqanka.

shariif sakiin