Dowlada Kenya oo Rabto In doodii Bada Ay Ku Dhameyso Xeer Hoosaad

0
52

Mandheera_Wajeer_KenyaWar rasmi ah oo kasoo baxay xukuumadda Kenya ayaa lagu sheegay dacwadda muranka badda ee dowladda Somalia kala dhexeysa ay tahay mid sharci-darro ah.

Xeer-ilaaliyaha guud ee dowladda Kenya, Githu Muigai ayaa xusay in dowladaha Somalia iyo Kenya ay horay u wada-saxiixdeen heshiis dhinaca badda ah; balse aysan meesha ku jirin in murankaas maxkamad la geeyo.

Sidoo kale, Muigai ayaa intaas ku daray in dacwaddaas la geeyay ICJ ay ka hor-imaanayso heshiiskii labada dal ay kala saxiixdeen sannadkii 2009-kii; isagoo xusay in hadda Somalia aysan u habboonayn in dacwad noocas oo kale ah ay geyso maxkamada cadaaladda dunida.

Wuxuu kaloo Muigai shaaciyay in labada xukuumadood ay raadiyaan xal aan maxkamad ahayn oo ay ka gaaraan muranka dhanka badda ah ee u dhexeeya, inkastoo uusan sheegin xilliga ay kulammadu dhacayaan.

Dowladda Somalia ayaa horay u sheegtay in wadahadallo hoose lagu dhameyn waayay muranka badda ee kala dhexeeya Kenya, markaas kaddibna ay go’aan ku gaareen inay dacwadda u gudbiyaan maxkamadda ICJ.