Dowlada Somaliya oo Ku Guuleysatey Kaalinta Koowaadna Ka gashey Caburinta Suxufiyiinta

0
41

caburinta suxufiyiintaWarbixin uu soo saaray gudiga difaacayaasha xaquuqda saxafiyiinta ee CPJ ayaa waxaa lagu sheegay in Soomaaliya ay kaalinta koowaad ka gashay wadamada lagu dhibaateeyo saxafiyiinta warbaahintana lagu cadaadiyo.

Warbixintaan waxaa lagu sheegay in Soomaaliya ay kaalinta 1,aad ka qaaday dalka Ciraaq oo ahaa dalka koowaad ee warbaahin iyo wariyaal lagu dhibaateeyo.
Hay’adda CPJ waxaa ay sheegtay in Soomaaliya ay hadda noqotay halka ugu adage e wariye ama warbaahin madax banaan ka shaqayso.

Warbixinta hay’addaan soo saartay oo si gaar ah diirada lagu saaray illaa iyo 13waxay ku sheegtay in xilligaan wariyaasha Soomaaliyeed ay la kulmaan tacadiyo adag oo dhinacyo kala duwan uga yimaada taasoo keentay inay gasho kaalinta koowaad ee wadamada saxafiyiinta lagu dhibaateeyo.

Hay’addu waxay sheegtay inaan illaa hadda la xalin sodomeeyo kiis oo warbaahinta Soomaaliya loo geystay waxaana warbixintu intaa ku daraysaa inaan inta badan la ogaan cidda ka dambeysa dilalka wariyaasha Soomaaliyeed.

Warbixinta kasoo baxday guddiga difaacayaasha wariyaasha ee CPJ waxaa ay imaanaysaa ayadoo maalmo ka hor dawlada Soomaaliya xabsiga kasii daysay wariyaal ka tirsan Tv,ga Universal oo la xiray jimcihii hore, hase ahaatee waxaa willi dawlada u xiran xafiiska Tv,gaas ee magaalada Muqdisho oo ay wariyaal badan u shaqo tagi jireen.