Muungaab oo Baneysan Raba Dhicista Guryaha Ismaaleed

0
65

mungabGuddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Muungaab ayaa sheegay gurigii aanan bixin canshuurta loogu talo galay in lagu dhiso wadada wadnaha Maamulka Gobolka in uu ka qaadayo tallaabo adag.

Muungaab oo Saxaafadda kula hadlaayay Magaalada Muqdisho, ayaa wuxuu sheega inay muhiim tahay qof kasta oo guri ku leh Magaalada Muqdisho in uu bixiyo Canshuurta laga doonaayo si dalka dib u dhis loogu sameeyo.

Waxa uu Guddoomiyaha ku goodiyay gurigii aanan bixin canshuurta ee la waayo dadkii lahaa in Maamulka ay u furan tahay in uu iibiyo gurigaasi, kadibna laga qaado ganaax iyo canshuuraha laga doonaayo.

Canshuuraha waxaa laga qaadayaa guryaha, laakiin lagama qaadayo goobaha danta guud sida Goobaha Waxbarashada iyo goobaha caafimaadka.

Dadka reer Muqdisho ayaa isweydiinaya canshuurta lacag intee la eeg ayaa la iska qaadi doonaa.