Xafiiska Universal tv ee Magalada Muqdisho oo Dib Loo Furey

0
25

universal-tvXafiiskii Universal TV ee Muqdisho ayaa xalay loo fasaxay inuu howlihiisa wato, kaddib markii todobaadkii hore ay albaabada isugu dhifteen ciidamada sirdoonka Qaranka Somalia.

Howgelidda xafiiska telefishinka ayaa ku timid wadahadal dhex-maray maamulka TV-ga, wasaaradda warfaafinta iyo hay’adda nabad-sugida Qaranka, iyadoo horay loo sii daayay wariyeyaashii TV-gan ee la xiray toddobaad ka hor.

Agaasimaha Universal TV ee Bariga Afrika, C/llaahi Xirsi Kulmiye ayaa sheegay inay dadaal u galeen sidii xafiiskii telefishinka uu howlihiisa dib ugu billaabi lahaa, isagoo intaas ku daray in howshaas billaabeen markii lasii daayay.

Sidoo kale, C/llaahi Kulmiye wuxuu xusay in telefishinka uu sii wadayo wada-shaqeynta uu la leeyahay wasaaradda warfaafinta Somalia.