98

Digil oo dhan Ma Dulaal Baa?

Sida in badan oo ka mid ah dadka u dhuun daloola siyaasadaha beelaha Soomaaliyeed ay qirayaan ayaa waxaa marag ma doonto ah in burburkii dowladii dhexe ee Soomaaliya ay fududeeysay in duulaan gaaban lagu qaado dad iyo dhulkooda iyadoo loo maraayo wadada ismaquuninta awooda ku dhisan taasina waxay keentay in qaybo ka mid ah dhulalkii lagu soo duulay ay maanta gacanta ku hayaan kooxihii soo duulay waxaana markhaati inoogu filan maanta dhulweynaha Digil oo inta badan ay maamulaan beelo ku soo duulay dhulka isla mar ahaana aan u dhalan marka laga reebo degmada Diinsoor oo ay degaan beesha Dabare.

Hadaba waa su’aale yaa ka masuul ah in kooxaha duulaanka ay 21 sano ka dib ay dhulka sii joogaan?

Inta aynaan jawaab u doonin su’aashan bal akhristoow ila arag dhibaatooyinka jira oo ay ugu horeeyaan Hogaan la’aan,Midnimo la’aan iyo Dulaalnimo oo ummaddii intaas isu raacda waxay qabtaan daayoo mugdi galayo jiritaankooda

Waa dhab oo waa gar aan lahayn geed looga waabto in hogaamiya-yaasha dhaqanka beelaha Digil guud ahaan ay gabeen kaalintoodii hogaamineed halka ayba iska ilaaween midnimo iyadoona ay u dheer tahay inay dulaal u noqdaan beelaha ku soo duulay dalka iyo dadka Digil.

Inkasta oo dhibaatadan ku habsatay dalka iyo shacabka Digil ayan la bilaaban dagaalka sokeeya ayaa waxaa hadan iska cad in beelaha Digil hogaankooda dhaqameed iyo siyaasadeed aanay marnaba ka gaashaaman dhib la arki karay inay ku soo socotay shacabkan ka hor burburkii dowladii dhexe ee Soomaaliya.

Kaalintan ay dayaceen hogaanka dhaqanka iyo kan siyaasadeed ee beelaha Digil waxay sahashay in si fudud dhulkooda ay ku qabsadaan kooxo duulaan kaga yimid gobolada dhexe ee Soomaaliya bilowgii dagaalka sokeeye sanadkii 1991 ilaa iyo maantana ay marba magac iyo shaar cusub ay u soo xirtaan dhibaataynta shacabkla Digil ilaa ay gaareen in qaarkooda ay dhulka ku soo galaan inay yihiin Qaxooti si ay u deegaamaystaan dhulka Digil sida Qaxootiga loo degmeeyay xaruntii Aqoonta iyo Kuliyadii waxbarasha ee Lafoole.

Hadaba ma waanay ahayn Dulaalnimo waxay meesha u fadhiyaan kuwa sheeganaaya Wasiirnimo,Xildhibaanimo amaba xil dowladeed oo kasoo jeeda beelaha Digileed halka waxgaradkii fara tiriska noqdayna ayba jahwareer ka qaadeen siyaasada fashilka iyo fool xumada ku fool dhaqatay ee maanta Soomaaliya taal laguna soo koobay “keyga lihi kaagana kula lihi”.

Waa dhab in kuwa dhaliisha lihi la dhaliilo inta Amaanta mutaysatana lagu Amaano wax qabadkooda taana waxaa iiga dhigan sidaan horayba carabka ugu soo dhuftay beesha Dabare oo runtii ku Amaanan doorkeeda shariifka ahaa ee ay ku difaacday qaybtii kaga aadanayd difaaca dhulweynaha Digileed halka Beelaha Geledi, Begedi, Shanta Caleemood, Tuni iyo jiidana ayba hogaan ka dhigteen kooxaha duulaanka iyadoo Qaar kamid ah Siyaasiyiinta Beesha Garena ay hogaanka beelaha Digil ay dulaalnimo kula dhex wareegayaan iyagoo weliba xirta hadba shaarka ay doonayaan.

Gunta iyo gabagabada hadalkeyga waxaan kusoo koobayaa oraahda Soomaaliyeed ee leh “Hadii Daawo bukooto maxaa lagu daweyn” oo waa yaabe hadii Hogaan bukoodo maxaa lagu dawayn oo bulsho hogaankeedii Dhaqanka noqday caada qaate,Siyaasiyiintoodii noqdeen Maacuun looga adeegto dhulkooda,Waxgaradkoodii noqdeen kuwo Jahwareer ka qaday xaalka ummaddooda iyo ugu danbayn indheer-garadkoodiina Dulaal noqday,Ma waanu xaalkooda la mid ahayn Daawadii bukootee daawada loo doonay?!

Yasin Abicar

Daafeet.Com


<


daafeet.com Kala Soco Warar Xaqiiqo Ah Email:comments@daafeet.com Email:webmaster@daafeet.com

daafeet.com

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Fadlan Riix hoose hadaad tahay ilbax

WARARKII KU DHAAFAY

duug3 Alah U Naxariistee Marxuun Maxamed Cali Samatar oo Maanta Aas Qaran Loogu Sameeyey Magalada Muqdisho
- Aug 25, 2016
Waxaa Maanta Aas Qaran loogu sameeyay xarunta wasaarada Gaanshaandhiga Soomaaliya alle ha u naxariiste ...
Dollar Malaayiin Dollarka Mareykanka Ah oo Laga Xadey Bangiga Dhexe ee Somaliya
- Aug 25, 2016
Guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee Somalia, Dr. Bashiir Ciise Cali ayaa sheegay in Bangiga Dhexe ...
HADLI Wasiirka Arimaha Dibada Dowlada Federaalka Somaliya oo Sheegey In Ciidamo Ka Socda somaliya aan Loo Diri Doonin Koonfur Suudan
- Aug 25, 2016
Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukumadda Soomaaliya C/salan Hadliye Cumar ayaa markii ugu horeysay ka hadlay ...
cumar-dhageey Gudoomiye Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka Dadban Oo Shegey Iney Soo Diyaarinayaan Ergooyinkii Dooran Lahaa Xildhibanada
- Aug 25, 2016
Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka dalka ayaa sheegay in ay diyaarinayaan Ergooyinkii Soo xulilahaa xildhibaanada Baarlamaanka ...
siilaanyo Dhegeyso Madaxweynaha Somaliland oo Sheegey In Shacbka Ay Diyaar U Yihiin Iney Ka Go,aan Somaliya
- Aug 24, 2016
Madaxweynaha Maamulka Soomaaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa sheegay in shacabka deegaanada Soomaaliland ay ...
xudur Dhegeyso Gudoomiyaha Degmada Xudur oo Ka Hadley Dhibaatada Ka Taagan Deegaanka
- Aug 24, 2016
Gudoomiyaha Degmada Xudur ee gobolka Bakool Maxamed Macalin Axmed oo la hadley warbaahinta ayaa ...
baydhabo- Dhegeyso Dagaalo Maanta Ka Dhacay Deegaanka Goofgaduud ee Gobolka baay
- Aug 24, 2016
Wararka inaga soo gaaraya deegaanka Goof-gaduud ee gobolka Baay ayaa waxa ay sheegayaan in ...
diinsoor Dhegeyso Gudoomiyaha Degmada Diinsoor oo Ka Hadley Dagaalo Geystey Qasaaro Badan oo ka Dhacay Deegaanadaas
- Aug 23, 2016
Gudoomiyaha degmada diinsoor ee gobolka baay oo maanta warbaahinta la hadley ayaa waxaa uu ...
Cali-Dheere Dhegeyso Sheekh cali Dheere oo Markii Ugu Horeysey Ka Hadley Qaraxii Ka Dhacay Magalada Galkacyo
- Aug 23, 2016
Afhayeenka guud ee Alshabaab Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere) ayaa ka hadlay qaraxyadii ka ...
chess Guuxa dadweynaha…Shariif Xasan Shaxdan La Degay Ma Ciyaari Karaa?!
- Aug 23, 2016
Guud ahaan beelaha Soomaaliyeed ayaa waxay maanta kawada dheregsan yihiin in Siyaasada dalka haatani ...