Dhegayso…Baardheere oo ay ka socoto Xiritaanka Toga weyn ee ku Fataha Xaafadaha Baardheere

0
100
Sawir TogaMaalmahii ugu dambeeyey gudaha magaalada Baardheere waxaa ka soconayey howl balaaran oo wax looga qabanayo Togweyn oo mara Magaalada,kaasoo xilliyada Roobabka ku fataha xaafadaha magaalada,iyadoo waxyeelo balaarana ay ka soo gaari jirtey dad lagu qiyaasey ilaa 5kun oo qoys oo degan Xaafadaha u dhow Toga .
Howshan wax looga Qabanayo Togan oo dhererkiisu uu dhan yahay ilaa 4km ,islamarkaana aanan helin wax dayactir ah tan iyo waxii ka dambeeyey 1990 ayaa waxaa fulinaya howshan Maamulka degmada oo kaashanaya Ganacsatada deegaanka iyo Bulshada degan Xaafadaha u dhow Toga.
Maxamed Xuseen(Ganey) oo ah Madaxa Samafalka iyo Mashaariicda Maamulka degmada Baardheere oo la hadlayey Warbaahinta wadajir ayaa sheegay ujeedada wax looga qabanayo Toga weyn ee mara magaalada in ay la xariirto sidii looga feejignaan lahaa halis ka imaan karta  daadadka Xilliyada Roobabka Togaasi inuu ku soo rogmado Xaafadaha Magaalada.
Ganey ayaa waxaa uu intaasi ku darey kharashka ku baxaya howshan oo dhan ilaa lixdan kun oo Doloar in ay bixin doonaan Maamulka degmada Baardheere,isagoona sheegay howshan wax looga qabanayo Togan in ay ka qeyb qaadanayaan ku dhowaad ilaa 200 oo muruq maal iyo Baldoosaro iyo weliba baalooyinka dhulka lagu simo.
Dadweynaha ku dhaqan degmada Baardheere ayaa soo dhaweeyey Talaabada uu qaadey Maamulka degmada Baardheere ee wax looga Qabanayo Togan weyn ee mara Mara magaalada ,kaasi oo xilliyada roobabka ku soo fatahi jirey Xaafadaha Qaar,waxaana fatahaadasi ka dhalan jirey Barakac iyo bur bur hantiyeed.