Dhegeyso:- Xeer Ilaaliyaha Guud oo Uga Dibey Kooxda Been Abuurka Sharciyada Ugu Sameysanaya Hantida Guud Iney Ka Fogaadaan

0
23

xeer-ilaaliyeXeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Dr Axmed Cali Daahir,ayaa uga digay ummada Soomaaliyeed in si sharcidaro ah ku sheegtaan lahaanshaha Hantida Qaranka iyo iney ka fogaadaan ku xad-gudubkooda.

Wuxuu sheegay Xeer ilaaliyaha Qaranka in hada uu jiro muwaadin Soomaaliyeed oo sheeganaya wado laami ah oo dhexmarta xarunta Ciidanka Asluubta,wuxuuna u digay cid kasta oo ku mashquulsan sameysashada cadeymo been abuur ah iyo Xad gudubka Hantida Qaranka.

Sidoo kale,Dr Axmed Cali Daahir ayaa hadalkiisa intaasi ku daray in Xafiiska xeer ilaalinta ay wado baaritaano ku aadan arintan,islamarkaana cidii lagu helaa sheegasho sharcidaro ah oo ku aadan Hantida Qaranka iyo ku lug lahaanshaha intaba waqti dhow sharciga la horkeeni doono,sida uu hadalka u dhigay.

xeer ilaliyaha guud

Halkan hoose kaga dhegeyso mobilkada

xeer ilaliyaha guud mobil