Banaanbax aad u Balaaran oo maanta Ka Dhacay Magalada Baladweyne

0
27

BaladweyneWararka ka imaanaya magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in maanta banaanbax uu ka dhacay,kaasi oo looga soo horjeedo dil dhawaan Baladweyne loogu geystay Sarkaal u shaqeynayay Hay’ada Qaramada Midoobay ee Miino baarista (Mine Action).

Dadka banaanbaxa dhigayay oo aad u careysnaa ayaa socdaal ku soo maray wadooyinka waa weyn ee magaaladaasi,iyagoo gabi ahaanba hakad geliyay isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha.

Dadka maanta banaanbaxa dhigayay ayaa ku dhawaaqayay erayo ay ka mid ah yihiin iney muhiim tahay in la helo cadaalad,sida dad goob joogayaal ah inoo sheegeen.

Maalintii shanaad ayaa lagu soo waramayaa iney xiisad ka taagan tahay Baladweyne,iyadoo wadooyinka qaar lagu arkayo Maleeshiyaad hubeysan oo ka biyo diidan dilka Sarkaal ka tirsanaa Hay’ada Mine Action oo dhawaan Baladweyne ka dhacay.