Baalamaanka Dowlada Federaalka oo Maanta Hakiyey Ka Doodista Hindise Sharciyeedka Maxkamad dastuuri ah.

0
21

xildhibaanBaarlamaanka dowlada federalka Soomaaliya oo maanta uu Qorshahoodu uu ahaa in ay ka hadlaan Ajandeyaal dhowr ah oo uu ku jiro Hindise Sharciyeedka Dhismaha Maxkamad Dastuuri ah ayaa waxaa Baarlamaanka uu hakiyay oo ajandaha laga saaray ka doodista Sharciga Maxkamad Dastuuri ah oo uu dalku yeesho.

Kulanka Baarlamaanka ayaa waxaa maanta Shir Guddoominayay Guddoomiye Kuxigeenka Koowaad Mudane Jeylaani Nuur Ikar,iyadoo Xildhibaanada soo xaadiray kulanka ay ahaayeen 143 Mudane.

Sababta Golaha Baarlamaanka ay u hakiyeen Hindise Sharciyeedka Dhismaha Maxkamad Dastuuri ah oo Soomaaliya ay yeelato ayey ku sheegeen in Xukumadda Soomaaliya ay Sharcigii hore ee looga hadlayay Dhisme Maxkamad Dastuuri ah ay la laabatay islamarkaana aysan keenin Sharci kale.

Xildhibaanadda Soomaaliya ayaa qaarkood qaba in la dhiso Maxkamad Dastuuri ah,oo kala saarta markii ay isqabtaan Madaxda Dalka ugu sareeysa.