Maamulka Galmudug iyo Puntland oo Ku Dagaalamay Magalada Gaalkacyo

0
61

DagaalUgu yaraan toddoba qof oo u badan labadii dhinac ee ay dagaalladu u dhexeeyeen ayaa ku dhintay, 43-kalena dhaawacyo kala duwan ayaa kasoo gaaray dagaalka, waxaana ku jira dad shacab ah oo ay rasaastu ugu tagtay guryahooda.

Dagaalkan ayaa ka billowday muran ku saabsan waddo laami ah oo laga dhisayay Gaalkacyo, iyadoo maamullada Puntland iyo Galmudug uu dhinac walba kan kale ku eedeynayo in uu isagu dagaalku billaabay.

Isbitaallada Gaalkacyo ayaa la dhigay dhaawacyada dadkii ku dhaawacmay dagaalkan oo 43-qof ah; ayna ku jiraan shan ruux oo Dumar ah iyo shan carruur ah oo rayid ahaa, iyadoo 33-qof oo kalena ay ahaayeen rag intooda badan ahaa dhinacyadii uu dagaalku dhexmaray.

Sidoo kale, Duqa magaalada Gaalkacyo ee Puntland, C/casiis Jaamac Nugaal oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dagaalkan uu ka billowday weerar ay soo qaadeen ciidamada maamulka Galmudug, isagoo qiray in dagaalkaan uu ka billowday waddo laami ah oo laga dhisay Gaalkacyo.
Dhanka kale, Wasiirka Amniga Galmudug, Cismaan Ciise Nuur [Taar-dhuleed] oo isna warbaahinta kula hadlay isbitaalka degmada Gaalkacyo ayaa sheegay inay ka xun yihiin dagaalka maanta ka dhacay xarunta gobolka Mudug, wuxuuna ku tilmaamay dagaalkaas mid minco-darro ah.