Kulankii Ay Maanta Yeesheen Xildhibaanada Baarlamaanka Dowlada Federalka oo Lagu Ansixiyey Sharciga Maalgashiga

0
21

xildhibaanXildhibaanada baarlamaanka Somalia ayaa maanta ansixiyay sharciga maal-gashiga shisheeyaha oo dhawaanahan ay doodo ka lahaayeen xil-dhibaannada baarlamaanka.

Kulanka baarlamaanka oo uu shir-guddoominayay guddoomiyaha baarlamaanka Somalia, Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa waxaa goobjoog ka ahaa 147-xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka Somalia.

Waxaa sharcigan u codeeyay 147-xildhibaan oo kulanka goob-joog ka ahaa, iyadoo ay aqbaleen 143 xildhibaan, halka hal mudane uu diidady, saddex kalena ay ka aamuseen.

Sharcigan maal-gashiga shisheeyaha ayaa wuxuu maray saddex akhrin, iyadoo guddiga ganacsiga iyo warashada baarlamaanka Somalia ay dalbadeen ansixintiisa kaddib in lagu qoro luuqadaha Carabiga iyo Ingiriiska, maadaama uu ku qoran yahay afka Soomaaliya oo keliya.