Baanki Moon oo Ergey Cusub usoo Magacaabey Dalka Somaliya

0
24

Michael_KeatingXoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-Moon ayaa shalay oo Isniin ahayd u magacaabay ergaygiisa gaarka ah ee Somalia, Michael Keating oo u dhashay dalka UK, isagoo bedeli doona Danjire Nicholas Kay oo hadda haya xilka maamulka xafiiska UNSOM.

Ergayga QM ee Soomaaliya Nicholas Kay ayaa waxay shaqadiisu ku eg-tahay bisha nagu soo fool leh ee December, iyadoo wixii xilligaas ka dambeeya uuu xilka la wareegi doono danjiraha cusub ee QM, Michael Keating.

Ban Ki-Moon ayaa uga mahadceliyay Nicholas Kay howshii uu soo qabtay intii uu hayay xilka UNSOM ee Somalia, isagoo ku tilmaamay inuu ahaa geesi si hufan howshooda uga soo baxay, uuna shaqeynayay muddo laba sano iyo bar ah oo Somalia ay ku jirtay xaalad adag oo ay barbar socotay isbedel siyaasadeed.

Sidoo kale, Keating ayaa wuxuu horay u soo noqday la-taliyaha guud ee xoghayaha QM ee Arrimaha Suuriya. Wuxuu kaloo ku xigeenka u ahaa Wakiilka gaarka ah ee Ban Ki-Moon iyo Xiriiriyaha Gargaarka Bani’aadamnimo ee Afgaanistaan intii u dhexeysa 2010-kii illaa 2012-kii.