Gudoomiyaha Alshabab ee Gobolka Shabeelaha Hoose oo Sheegey In Midnimada Alshabab Ay Muqadas Tahay Cidii Hor istaagtana La iska Leexin Doono

0
79

Abuu-CabdallaGuddoomiyaha Al-shabaab ee gobolka Shabeellada Hoose, Sh. Maxamad Abu-cabdalla ayaa hadal uu jeediyay wuxuu ugu baaqay Al-shabaab iyo dadka ku nool deegaannada ay ka taliyaan inay ilaaliyaan midnimadooda, isagoo xusay inay iska qaban doonaan cid walba oo isku dayda inay Al-shabaab kala qaybiso.

Sh. Abuu-cabdalla ayaa hadalkan ka jeediyay xaflad lagu furayay kulan diimeed ka furmay Gobolka Sh/Hoose; taasoo la sheegay in looga hadli doono midnimada iyo sidoo loo ilaalin lahaa isku-xirnaanta Al-shabaab.

Sidoo kale, Abu-cabdalla ayaa sheegay in mujaahidiinta Somalia [Al-shabaab] ay yihiin dad isku duuban oo aan marna ogolaan doonin in la kala qaybiyo, aysana Soomaaliya ka shaqeyn doonin calamo kala duwan.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu sidoo kale sheegay in la iska hor-leexin doono ruux waliba oo ka horyimaada safka mujaahidiinta, isla markaana doonaya inuu kala jabiyo Xarakada Al-shabaab, wuxuu doono ha noqdee.

Dhanka kale, Sh. Abuu-Cabdalla ayaa Al-shabaab ku boorriyay inay ilaaliyaan safka ama midnimada Al-shabaab, ayna ogaadaan hadafka loo dagaallamayo inuu yahay kor-yeelidda kalimada ALLE, wuxuuna ku boorriyay inay kala qaybinta iyo tafaraaruqa ka fogaadaan.