Magalada Gaalkacyo oo Mar Kale Dagaal Ka Qarxay

1
34

GaalkacyoDagaal u dhexeeye Puntland iyo Galmudug ayaa maanta dib uga qarxay ayadoo la sheegey inuu geystey qasaare isugu jirta dhimasho iyo dhaawac, Ilaa iyo hada waxaa ku dhintey laba ruux dhaawacana ilaa iyo shan.

Dagaalkan ayaa la sheegay inuu ka billowday barta kala qaybsa labada dhinac ee dagaalku u dhexeeyo, waxaana dadku ay sheegayaan in dagaalkan uu yimid kaddib markii ciidammo ka tirsan kuwa Puntland ay gudaha u galeen suuqa kala qaybiya labada maamul si ay fariisimo uga sameystaan.

Gudaha magaalada Gaalkacyo ayaa si weyn looga maqlayaa rasaasta, sida ay ku soo warramayaan dadka ku sugan magaaladaas, inkastoo inta badan xaafadaha magaaladaas laga barakacay, iyadoo laga baqdin qabo inay dagaallo dhawacaan.

Si kastaba arintu ha ahaatee dagaalkan dib u qarxay ayaa wuxuu kusoo beegmayaa xilli ay uu shalay gaaray RW Somalia Cumar C/rashiid iyo wafdi uu hoggaaminayo Garoowe si dagaalka loo qaboojiyo.

1 COMMENT

  1. Maleeshiyaadka/moryaanta majeerteen iyo habargidir ayaa maalmaha soo socodo la filayaa inay ku kala baxaan gacan ku heynta magaaladda Galkacyo, tirada dhimashada & dhaawaca ka dhashay dagaalkaan beleed oo si badanooyo. Dhibaatada eey umada manta ku jirto, burburka iyo dagaalka sokeeye oo Somaaliya gaar ahaan Konfurta Somaaliya ku habsaday waxa ka masuul ah labadaan belood, Somalida waxey ku maahmaahda “Labadii gardaro ku heshiiso garta ayeey ku diriraan”. Cuquubadi ummadda loo geestay iyo habaarkoda-inkaarti aya soo baxday. ILAAHEY CAADIL WAAYE, xaqane ama haso daho wa ki soo daahira. Waxa kalo jiro: “Nabsigaad gashaa waadanbuu kugu gadootaaye intaa wa ku daba gaanbiyaa gaafna kaayahaye ganbashuu dabadeed kugu dilaa kuguna gaadaaye waxaad geeysatuu uu ka guda soona guraa goor iyo ayaane”. Hadi labadaan qabiil naga dhax baxaan, waxa hubaal ah in eey Konfurta Somaaliya uso noqaneesa nabadi, cadaaladi iyo Somaalinimadi lagu yaqaani.

Comments are closed.