Faallo..Gaalkacyo RUN halaysugu sheego!

1
39

YUWaa fursad aad u weyn oo ay hogaamiyayaasha Gaalkacyo ku kulansan ay uga hiilin karaan Nabada isla markaana ay uga faa’iidayn karaan ummadda Soomaaliyeed guud ahaan reer Mudug iyo reer Gaalkacyo si gaar ah iyagoo raacaya nidaam ku dhisan is Ixtiraam,Sinaan,Cadaalad iyo dhabay laga dhabeeyo balamada la galo,
Tani waa wado ay raaceen dhamaan hogaamiyayaal maanta caalamka tusaale uga noqday nabad iyo wada noolaanshaha dad ay aad u yar tahay waxay wadaagaan kolka loo eego dadka Soomaaliyeed oo iyagu wadaaga wax ka badan waxa shucuubta caalamku badankoodu wadaagaan.

Hadaba si hogaamiyayaasha ku kulansan Gaalkacyo ay u gaaraan guul ay ummaddu u aaydo misna magaca iyo mansabka Gaalkacyo,Mudug iyo Kan Soomaaliyeedba kor u qaada waxaa la gudboon hogaamiyayaashu inay la yimaadaan Niyad wanaag Geesinimo ku dhisan isla markaana ay mar wada xaliyaan dhamaan dhibaatooyinka jira si gaar ahna xuduudada maamul goboleedyada oo runtii maanta ah caqabad u baahan in looga gudbo si miyirqab uu ku jiro.

Ma ahan arin sahlan in khilaaf kasta oo jira xalkiisu isku meel laga wada arko balse hadana waxaa hubaal ah in meel dhexe oo la isugu yimaadaa ay tahay lama huraan ayna taasi inoo baajinayso Barbaar badan oo si micna daro ah inooga Dhimanaaya,Dhaawacmaaya,Qaxaaya, ku Shaqo iyo Mustaqbal beelaaya si loo gaaro hadafkan badbaadinta ahina waxaa lama huraan ah inay hogaamiyayaasha kulansani ay RUNTA u sheegaan Hogaamiye kasta ee Gaabis ku jira.

Waa in Runta loo sheegaa Maamulka Puntland ee madaxweyne Cabdiweli Gaas lagana dhaadhiciyaa in maamul goboleedku aanu micnihiisu ahayn Maamul Qabiil oo uu ku qotomo gobol sidaasina maamulka ay deriska yihiin ee Gal-Mudug uu ka kooban yahay gobolada Mudug iyo Galgaduud oo dhamaystiran sidaasina uu Darstuurku ku waafaqaayo,sidoo kalena Hogaamiyayaashu waa inay hoosta ka xariiqaan in aanu jirin maamul la yiraahdo Khaatumo maadaama uu kamid yahay Puntland isla markaana aaney jirin sabab cad oo lagu qanci karo,Iyadoo sidoo kalena caqabad ku horgudban uu noqondoono masiirka ummadda Soomaaliyeed si gaar ah Koonfur iyo Waqooyi.

Waa in Runta loo sheegaa Maamulka madaxweyne CabdiKariin Guuleed uuna ogolaadaa in xuquuq siman ay wada leeyihiin shacabka ku dhaqan labada gobol sidoo kalena ay u wada siman yihiin dhamaan qabashada xilalka oo aan laka qaadin.

Waa in Runta loo sheegaa Maamulka Juba ee madaxweyne Axmed Islaan lana ogolaysiiyaa inuu si cadaalad leh uu wax ugu qaybiyo dhamaan ummadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolada sedexda ah ee Maamulkiisa isla markaana Dib-U-Heshiisiin dhab ah uu la galaa dhamaan inta maamulkiisu wax ka tabanaysa si loo gaaro wadajir ku dhisan wadaag.

Waa in Runta loo sheegaa Maamulka KoonfurGalbeed ee madaxweyne Shariif Xasan lana ogolaysiiyaa inuu maamulkiisa uu noqdo mid dhamaytiran oo u adeega ummadda sedexdaas gobol ku wada dhaqan masiirkooda hadii kalena Shacabka KoonfurGalbeed lagu taageero inay maamul kale dhistaan.

Waa in Runta loo sheegaa Maamulka gobolka Hiiraan iyo Kan Shabeelaha dhexe laguna taageeraa dhismaha maamul goboleedkooda.

Waa in Runta loo sheegaa Maamulka Dowlada fedraalka sedexdiisa waax si ay Maqaamka Muqdisho u cadeeyaan una dhisaan maamul leh haykal mas’uuliyadeed oo ka hana qaada Caasimada ummadda Soomaaliyeed magaalada Muqdisho.

Hadaba hadii sidan ay RUNTA u dul istaagaan Hogaamiyayaasha kulansani go’aanada ay qaataana aanay ka munaafiqayn oo ay fuliyaan ma waanay mudnaan helin Gaalkacyo iyo Mudug Ummadda Soomaaliyeedna ma waanay cagta saareyn wadada Walaaltinimada,Is-wanaajinta,Is-aaminida iyo wadanoolaansho dhab ah oo ku dhisan Ixtiraam iyo Is-tixgelin.

Qalinkii Abdiaziz ShSalah.

1 COMMENT

  1. QABIILLADA SOOMAALIYA IYO KARTIDOODA DAGAAL
    casharradii laga bartay 25kii sanno
    3da beelood ee Soomaalida ku caan baxay dagaallada oo kala ah DAAROOD, HAWIYE IYO DIGIL-MIRIFLE, waxay leeyihiin 3 qabiil oo kala ah DUGAAG, DAANYEER IYO MAROODI, waa marka loo eego awoodda iyo kartida dagaal ee ay kala leeyihiin qabiiladaas.
    DUGAAG waa qabiilka leh awood, geesinimo iyo karti dagaal, kuna caanbaxay dhiig-cabnimo.
    MAROODI: waa qabiillada aan lahayn karti dagaal, hase yeeshe leh xoog maroodi, xattaa hadii aad dishid waxaa kugu filan in uu kugu soo dhaco, waad dhimanaysaa, kuwa kale waxay moodayaan in uu asaga ku dilay, laakiin sidaas ma aha.
    DAANYEER: waa qabiillada aan lahayn karti dagaal iyo xoog maroodi toona, laakiin leh, MICIYO DAANYEER, markuu afka kala qaado, oo dhogorta kiciyo ayuu ismooda libaax, laakiin uusan dawacana iska celin karin.
    Haddaba sidaas si la mid ah, wxaa leh Daarood, Hawiye, iyo Digil-mirifle.
    HAWIYE: Dugaaga Hawiye, waa Habar-gidir, Daanyeerkoodana waa Xawaadle, Maroodigoodana waa Abgaal.
    DAAROOD: Dugaagga Daarood waa Mareexaan, Daanyeerkooda waa Majeerteen, Maroodigooda waa Ogaadeen.
    DIGIL-MIRIFLE: Dugaaggooda waa Xariin, Daanyeertooda waa Leysaan, Maroodigooda waa Hadame.
    Majeerteen, Leysaan, iyo Xawaadle, waxaa lugu yaqaannaa, wiilal qurux badan, oo Dabajeexa isku duu-duuba, gawaari tikniko ah oo far badan is daba dhiga, laakiin haddii ay dawaco soo yeertana ka dheereeyaan Cabdi-bilaha.
    waxaa dhagaha kaga kaadiya Xariin iyo Sacad, haddii af-minshaarnimadooda ahaan lahayn adduunyada waa horaa laga wayn lahaa, laakiin waxaa Ilaahay u dulleeyey oo ku bad-baadiyaa 3da MAROODI ee kala ah Ogaadeen, Abgaal iyo Hadame, oo ay marba dhinac isaga kaxaystaan.
    Ogaadeen, Abgaal iyo Hadame malaha caqli, karti iyo geesinimo toona, laakiin fara-badni oo aan caqli badan la soconin ayey cowska ku daaqaan, markii 100 laga dilo ayay kun soo safaan, sidaas darteeed dagaalkooda waxaa ka fudud rarashadooda.
    Habar-gidir, Mareexaan, iyo Xariin waa dhurwaa, oo hooyadood hadday nooshahyna nuuga, hadii ay dhimatana cuna. Habar-gidir markay xaalada ku xumaatto ayay Hawiye sheegatta, Mareexaana markay ku xumaato ayuu Daarood sheegtaa, Xariina markay ku xumaato ayuu Eelay ku cararaa.

Comments are closed.