Dhegayso..Shir ka dhacay Muqdisho oo Shariif loogu baaqay inuu xilka ka dego

1
24

mfrKulan balaaran oo ay maanta magaalada Muqdisho ku yeesheen Siyaasiyiin, Waxgarad,Odayaal iyo Xildhibaano hore uga tirsanaa Dowladihii KMG ahaa ee dalka soo maray oo ka soo jeeda deegaanada sedexda gobol ee maamulka KoonfurGalbeed Soomaaliya ayaa waxay Eedeymo u jeediyeen Madaxweynaha maamulkaas oo ay sheegeen inuu ku fashilmay Siyaasada iyo hogaaminta Shacabka Koonfur galbeed isla markaana aanu weli fulin balanqaadyo uu shacabka KoonfurGalbeed uu horay ugu sameeyay halka uu fara gelin baahsana uu ku hayo soo Xulista Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka KoonfurGalbeed uu yeesho.
Gabagabada kulanka ayaa waxaa laga soo saaray Bayaan ka koobnaa 12 qodob kuwaasi o lagu muujinaayay ahmiyada kulankaan iyo baaq loogu jeedinayo Madaxda Dowlada Federaalka Soomaaliya.

Bayaanka ayaa waxaa Warbaahinta u aqriyay Maxamed Cabdi o ka mid ahaa dadkii ka qeyb galay Kulanka.Unknown Album

1 COMMENT

Comments are closed.