Maqaal..Duufaanta Kismaayo Naaquudaha KoonfurGalbeed Maka badbaadi doonaa?!

1
70

shioHada iyo hagardaamo laga soo gudbay soo celinteeda ayaa waxaa loogu balamay in Kismaayo bal markan lagu dayo in hoy looga yeelo dhibaato ummadda Soomaaliyeed markale la dul dhigo,Inkasta oo ummadda Soomaaliyeed badankeedu ay wada qirayaan in laga daalay dagaal sokeeya ayaa waxaa hadana hubaal ah in qaybo ka tirsan ummadda Soomaaliyeed ay weli daba hayaan wadooyinkii dagaalka sokeeye ee laga daalay keenay.

Qawmiyada reer KoonfurGalbeed oo iyagu in ka badan Qarni siyaabooyin kala gedisan loogu dulmay maamuladii dalka soo maray oo uu isticmaarku kow ka ahaa ayaa waxay maantana markale qarka u saaran yihiin in lagu dulmo gudaha Siyaasada dalkood hadii aanu maamulkooda maanta jiro aanu ku dhiiran soo dhicinta xaquuqdooda kana dhiqin Dhurwaayada caadaystay dhaca xuquuqdooda.

Waa taariikh qoran oo aan cidi awoodin inay inkirto in gumaystihii reer Yurub ka hor ay reer KoonfurGalbeed lahaayeen Saldanado dalka iyo dadkuba ka difaaca duulaamada gudaha(Soomaalida kale) iyo kuwa dibada(Isticmaarka Cadaan iyo Madoow) kuwaasi oo weliba dagaalo uu gumaystaha ka sheekeeyay reebay taasina keentay in gumaystihii uu si gaar ah u bartilmaameedsado dalka iyo dadka reer KoonfurGalbeed.

Gumaysiga waa gumaysi oo sababta marka hore uu u yimid dhulkan ayaaba ah gardaro jawaab u baahan waana laga jawaabay xiligeedii balse dad Dalka iyo Diinta kula wadaaga oo hadana dulmi u joog ah maxaa laga dhihi karaa?

Bal ila eeg Dulmi siyaasadeed oo gumaysiga gacan uga helay Hawiye iyo Daarood oo reer KoonfurGalbeed kusoo qaadeen kadib kolkii Xoriyada la iclaamiyay hoostana laga xariiqay in loo tartami doono Kuraasta Baarlamaanka,Labadan beel ee Hawiye iyo Daarood ayaa garwaaqsaday in damacooda ayan ku heli karin waxay rabaan kol hadii tartan loo galayo xilalka Dowladnimo isla markaana reer KoonfurGalbeed tartan waxba uga heli karin kadibna waxay go’aansadeen inay hagardaamo abuuraan iskana kaashadaan taasina waxay keentay in Hisbiya(HSDM) ay ku eedeeyaan inay tahay Xisbi Diimeed xumbaarsan magac Qabiil taasi oo ahayd mu’aamarad been abuur ah balse gumaysiga wax ka ogaa sidaasina looga reebay reer KoonfurGalbeed inay Xisbigooda kusoo tartamaan,Ma noqon talaaban ay qaadeen isbahaysatada dulmiga ummadda reer KoonfurGalbeed ee Hawiye iyo Daarood mid ay guul badan ku heleen balse reer KoonfurGalbeed tartamayaashoodii oo qof qof iyo Xisbiyo kaleba ka kala socday ayaa soo galay Baarlamaanka misna soo buux dhaafiyay kuraastii Baarlamaan ee loo tartamay taasina waxay keentay in Xisaabaadkoodii dib ugu laabtaan maadaama ay shaqayn weyday mu’aamaradoodii koowaad.

Waxay waxbadan ka shaqeeyeen hirgelinta mowjad mu’aarad cusub taasi oo lagu dabaqay dabaylihii Shuuciyada ee wadamada caalamka qaar ka mid ah ka hanaqaaday kuwaasi oo Ciidamada dalalka u isticmaalay ridida maamuladii Rayidka ahaa ee ladoortay sidaasina ay Soomaaliya qayb kaga noqotay isla markaana Ciidamadii dalka Afka ciida u dareen Dowladii Rayidka ahayd,Laalay Baarlamaankii,Kala diray hay’adihii Madaniga,La wareegay ilihii Dhaqaalaha,Tirtiray xoriyatul Qoolkii,meeshana ka saaray inay Shacabku is doortaan.

Hadaba kooxdan Afgambilayda ah ee dalka awooda ciidan ku qabsaday yay ahaayeen ula jeedkooduse muxuu ahaa?

Waxay ka koobnaayeen 25 Sarkaal oo 20 ka mid ahi ahaayeen Milatari halka 5 kamid ahina Booliis ahaayeen sidoo kale ayaa waxaan xusi karnaa in kolka laga reebo Qowmiyada Digil iyo Mirifle inta kale beeluhu ay qayb ka ahaayeen 25kan xubnood ee dilay Madaxweynihii la doortay ee Dalka isla markaana Afgambiyay Madaxweynihii KMG ahaa xiligaas Madaxweyne Sheekh Mukhtaar Maxamed Xuseen,Ulajeedka kooxdan talada dalka boobay(Hawiye iyo Daarood) ayaa waxay ahayd in shacabku ku cadaadiyaan rabitaankooda ah in iyagu kaliya yihiin kuwo xaq u leh inay dalka iyo dadkuba hogaamiyaan taasina waxay markii danbe u xuubsiibatay in Daaroodku uu ku doodo inuu yahay kan xaqa u leh inuu go’aamiyo masiirka dalka taasina ugu danbayn waxay keentay in Ummadda Soomaaliyeed oo aan u kala harin Dowladii Daarood derbiga Xuduudaha Kenya iyo Itoobiya laga talaabiyo.

Runtii ma noqon halgankii lagu riday maamulkii Milatariga ahaa ee beesha Daarood mid badbaada kana badbaada dibin daabyadii Hawiye oo aan waxba dhaamin dulmiga xagii Daaroodka.
Ridistii Maamulkii Daarood iyo Dibindaabyadii Hawiye waxay horseeday in dalka uu galo dagaal Sokeeye,Dowladnimadiina ay lunto,dadku Qaxaan oo Qaxooti noqdaan,Barna ay Baahi iyo Cuduro u dhintaan,Aqoon iyo Amnina lagaba quusto intan oo dhibaata ah iyo inkadan waxay si toos ah si dadbanba ugu dhacday ummadda Soomaaliyeed ee degta KoonfurGalbeed,Iyadoo xaalku sidaa yahay ayaa hadana waxaa hadba heer soo joogay kooxdii dibindaabyada iyo mu’aamadleyda ahaa ee Hawiye iyo Daarood oo ugu danbay dejiyay nidaamkii loo dhisi lahaa maamul ay taladiisu iyagu gooyaan.

Bal fiiri qaabka ay talada dalka u jaangooyeen xili uu dagaalka Sokeeyaba bilow ahaa waa bishii Maarso 1991dii Shirkii 1aad ee Jabuuti ogow waana Mu’aamaradii Sedexaad xilka dalkana waxaa loo kala qaatay sida soo socota:

Madaxweyne USC(Abgaal/Hawiye),Ra’isulwasaare SNM(Isaaq/Dir),Gudoomiye Baarlamaan SSDF(Majeerteen/Daarood),Gudoomiye ku Xigeenka 1aad ee Baarlamaanka SDA(Gudabiirsi/Dir),Ra’isulwasaare xigeen SPM(Ogaadeen/Daarood),Ra’isulwasaare xigeen USF(Ciise/Dir) iyo Gudoomiye ku Xigeenka 2aad ee Baarlamaanka SDM(Digil iyo Mirifle).

Qaabkan ay Hawiye iyo Daarood isku qanciyeen ayaa waxaa markiiba daaha ka rogay Dhagartoodiina banaanka dhigay ummadda Digil iyo Miriflana badbaadiyay Halyey Cabdulqaadir Maxamed Aadan Zoobe oo Caalamka iyo Soomaalida wanaaga jecelba miiska u saaray waxa ay yihiin dadka iyo dalka Digil iyo Mirifle halkaasina ku gubay Mu’aamaradii Sedexaad ee Hawiye iyo Daarood,Kulankii Shirkaasina waxaa ka dhashay Dowladii loogu magacdaray Jabuuti 1 oo uu Halyey Cabdulqaadir Maxamed Aadan Zoobe ka noqday Madaxweyne ku xigeenkii 1aad.

Ma dhicin mana filaayo in kol dhow ay dhici doonto in Daarood iyo Hawiye ogolaadaan in si mutadawac-nimo ah ay ku ogolaadaan in maamulka dalka loo siman yahay kol hadii muwaadiniin la wada yahay Qof ahaan iyo Beel ahaan intuba,Maadaama uu xaalku sidaa yahay ma waan loo baahnayn in goor iyo ayaanba laga digtoonaado dibindaabyadooda.

Waa ma dhamaato mana dhamaan oo weliba ma ahan in lafisho in ay dhamaan doonto hadana waa iyadii oo marba weji cusub leh waa tan oo KoonfurGalbeed dhulkeedii maanta loo kala gooyay labo Maamul oo mid inta Daarood uu qaatay Hawiyana u saxiixay Qaarkeenana qaarka kale ku qanciyay inay soo celin doonaan amaba ugu yaraan dadkeena ku nool dhulkooda heli doonaan xaqooda,Waa balan qaad aan meel loo raaco lahayn kol hadii Maamulka Juba uu maanta yahay mid Daarood jeebkiisa ku jira Madaxweyne Shariifna uu Marti ku yahay Caasimadii labaad ee reer KoonfurGalbeed Kismaayo sidaas si lamid ahna Madaxweyne Axmed Madoobe oo horey looga quustay inuu ugu yaraan u cadaalad falo dadka uu ciidanka Keenyaatiga ku qabsaday maanta markale laga sugayo inuu si cadaalad ku jirto uu reer Juba ugu soo qaybiyo qaab deegaan waxay ka helaan maamulka Fedraalka oo aqalada la sheegayo ay ugu horeeyaan(Aqalka Sare iyo Hoose).
Tani waa xisaab furan sahalna ah in sida ladoono loo dhigo balse sideen u dhignaa Gaalkacyo oo laba maamul kajira laba beelna ay ka kala taliyaan misna ay halmagaalo tahay oo maamulna kan kale ka yeelayn inuu usoo talaabo dhinaca kale halka Anaguna Degmooyin iyo Gobolo aan leenahay Kooyto nagu marti soorayso sida aan gurigeena ku martiyoobayno oo kale!.

Shirka Kismaayo waa Mu’aamaradii Afraad oo ay beelaha Hawiye iyo Daarood la maagan yihiin Qawmiyada digil iyo Mirifle inay u dhigaan iyadoo loo marayo Daarood oo Shariif Xasan aaminsiiyo inuu Juba kasiin doono xubno,Hawiyana uu Shariif u sheego inuu Daarood ku fikir yahay oo uu doonayo inuu codkiisa ku biiriyo in deegaan wax lagu qaybsado sidaasina uu Shariif Xasan ku ogolaado in deegaan lagu qaybsado kadibna lagu boodo banaan cidlana uu ku soo dhoco ummaddana uu dhaxal tiro.

Ha yeeshee Mu’aamaradahan aan dhamaan ee ay beelahan Hawiye iyo Daarood ku wadaan Qawmiyada Digil iyo Mirifle weli intay fariisteen isma weydiin waxay ka macaasheen balse hadii ay isweydiin lahaayeen waxaan hubaa in waxay ka macaashaan ay ka badan tahay khasaarada kasoo gaartay.

Hadaba intan oo mu’aamarado ah ee aan soo dulmaray iyo kuwo kale oo reer koonfurGalbeed horey uga mutay Hawiye iyo Daarood kolka laga yimaado tan maanta taagan ee aan ugu magacdaray Duufaanta Kismaayo Naaquudaha KoonfurGalbeed Maka badbaadi doonaa?!

Waa Qalinkii

Abdiaziz ShSalah

1 COMMENT

  1. Abdirahman Muse:Cadaalad daro,sinaan la,aan,xurma daro dadkii u dhashey degaanka oo heerkaan la gaarsiiyey maxay idinlatahay dadweynow in ay siyaasadda noocaan ah ay dhali karto?qof kasta oo caqligiisa shaqeynaa wuu garan karaa meesha ay caga dhigi doonto

    AW sariifow hoow past jubba aanteey haa,ex Banaadir shabeelooyin aanteey haa,Bakool ka darba haye,Digilmirifle miweydisaanaa dal iyo dad weli waxaad haysataan fursad aad isaga xoreysaan gumeystiyaasha

Comments are closed.