Nov 27, 2012 - 3 Jawaabood

Waa oraah Soomaaliyeed oo micno mug weyn lihi xumbaarsan kana digaysa talo si sahlan inta maanta loo qaato berina mahadha reebta oo weliba si looga lug baxana ay adkaanayso,

Waxaana u soo qaatay misna aan qoraalkayga daahfur ugaga dhigay bal inay wax ku qaataan dadka uu khuseeyo qoraalkan gaar ahaan inta aan qalbigoodu dhiman ee weli nool dhegahooduna ayan u daloolayn sida god dhul ka qodmay ee ay yihiin kuwo wax maqla.

Hadaan usoo daadego muhimada qoraalkaygan waxaa waayahan aad isu soo tarayay talaabooyin ay qaadayaan kooxo isugu jira kuwo Caraysan,Xildoon,Dhuuni doon,Waxmagarato iyo Doqomo oo reer Aw-Digil kasoo wada jeeda kuwaasi oo runtii u colaadinaya beelaha aan walaalaha nahay ee Mirifle,

Runtii waa wax sahlan in aad iska eedo Qof,Qabiil amaba Qawmiyad laakiin waxaa wax sahlan ahayn eedaada inaad ka gar baxdo kol hadii hogaankaaga uu noqdo kooxaha aan kor kusoo tilmaamay mid ahaan amaba dhamaan sida hada nahaysato hadaan nahay beelaha Aw-Digil.

Guud ahaan Beelaha Soomaaliyeed gaar ahaan Digil iyo Mirifle waa dad wada dhashay oo dhiig wadaag ah si kastoo loo dhigana waxay u dhamaanaysaa maahmaahdii Soomaaliyeed ee lahayd “Isma hurto yay is halaynin”mana ahan dad is hura xitaa hadii madmadowga dhex yaalo uu gaaro heer quus ah inta uu caqligu shaqaynaayo balse hadii caqliga ay caadifadi daboosho waxaa hubaal ah inay dhacayso tan maanta taagan ee gole loola galay fadhina lala qaatay kooxihii in badan aan ka digaynay ee dhul doonka ahaa ee Hawiye.

Hadana waa iga su’aale maxay shacabka Digil u soo kordhinaysaa dhib iyo dheef Mirifle oo aad ka goysaan Mudulood Hawiye amaba DAAMI oo aad ku dartaan?!!!.

Jawaabtu waa waadix oo waa sahal hadii aan nahay dad kala garan kara Dhul iyo Cir waxay kala yihiin hadiise garaadkeena iyo garashadeena gaabisayna waa mid kale.

Dhib iyo Dheef Digil iyo Mirifle

Guud ahaan shacabka qowmiyada Digil iyo Mirifle ayaa waxay yihiin dad walaalo ah isla markaana leh abtirsiimo iyo taariikh soo jireen ah in ku dhow boqol sanadoodna lahaa Xisbiyo Siyaasadeed oo mideeya una dooda xuquuqdooda Diimeed,Dadeed,Dhuleed,Luqadeed, Jiritaakooda iyo Masiirkooda Ummadnimo intaan oo is biirsadayna waxay keeneen in cadawga Qawmiyada Digil iyo Mirifle ee Hawiye iyo Daarood ay si isku mid ah u ciqaabaan ummadda Digil iyo Mirifle ilaa ay gaaraan”Nafsii nafsii”kana weecdaan wadadoodii soo jireenka ahayd ee isku duubnida kuna bedeshaan in mid mid ay u dhaqaaqaan taasi oo markale cadawga Qawmiyadeena siiyay fursad kale waxaana tusaale inoogaga filan Daarood oo maanta sheeganaaya dhulkii Mirifle iyo Hawiye oo ku dhiiraday inuu kula yimaado inaad u saxiixdo dhulkaaga Ogow walaalka Digiloow Hawiye maanta kuguma soo dhiiradeen hadii aanu ogayn in xaalka Mirifle uu yahay “Neef Libaax ku fadhiya Waraabe laguma habaaro”oo uu tiisa la liito oona uu ka badin la’yahay dhowrista Hanbadii ka hartay dhulweynaha Qawmiyada ee Baay iyo Bakool ee maxaad ku eedaysaa?

Qawmiyada Digil iyo Mirifle waxay ka midaysan yihiin guud ahaan wixii ummadi ay wadaagi lahayd sida Dhaqanka,Diinta,Luqada IWM iyadoo ayan jirin wax ay ku kala gedisan yihiin halka qaab qaybsi siyaasadeed cadna uu dhex yaalo oo ay ku qaybsadaan waxa ay siyaasad ahaan kaga soo aado siyaasada guud ee Soomaaliya.

Dhib iyo Dheef Digil iyo Mudulood Hawiye amaba DAAMI sida ay dadka Digil u yaqaaniin(Digil iyo Daami)

Ma cusba oo naguma cusba in beelo ka mid ah reer Aw-Digil ay dantooda ka raadiyaan gudaha Hawiye gaar ahaan Mudulood oo ay iyagu u yaqaaniin DAAMI oo waxaa jiri jiray taariikhiyan dad Digil ah oo inta dhegta loogu sheego habeenkii la yiraahdo waxaad tihiin SAMAALE subixii lasoo shirtaga waxaan wax ku darsanaynaa walaalaheena DAAMI maadaama aan SAMAALE isla nahay CAJIIB!!!Laakiin wax badan ayay taasi shaqayn weyda oo wax habeen dhegta la isugu soo sheego maalin inaan la hirgelin karin waa wax iska cad

Muduloodna hadii Sharaf iyo Derisnimo uu ka rabo Digil wuxuu soo celin lahaa abaalkii loo galay ee lagu dejiyay deegaanka deexda ah ee Afgooye dhaca beelaha Mudulood ee Mareeg masiibadu ka keentay sida Wacdaan,Wadalaan,Moobleen iyo raacooda.

Xuduuda beelaha DAAMI(Mudulood Hawiye) iyo Digil waad ogtihiin oo waxay ahayd bartamaha Muqdisho oo tilmaan ugu filan dhalinta hada soo kacday khadkii cagaarnaa ee Caydiid iyo Cali Mahdi amaba taalada Daljirka dahsoon ee dhacda Baarlamaankii hore ee Soomaaliya(Shabeele) maanta beelaha DAAMI(Mudulood Hawiye)waxay sohdi ahaan usheegtaan ilaa Mudulbarawe iyadoo ay cid walbana ay ka dheregsan tahay in 21 sanno ee lasoo dhaafay ay DAAMI(Mudulood Hawiye) hogaanka u haysay Dilka,Boobka,Kufsiga,Dhaca Beeraha iyo Bedka Magaalooyinka,Barakicin iyo Baahi ku laynta Digil.

DAAMI(Mudulood Hawiye) maanta waxay sheegtaan guud ahaan gobolka Shabeelaha dhexe iyo Banaadir(Muqdisho) oo ayan ahal u ahayn oo taariikhda ayaa ka markhaati kacaysa maxaa yeelay soo galitaankii gumaysiga dalka Soomaaliyeed deegaan kasta waxaa ku cad beeshii uu meesha ugu tagay gumaysiga labadaan gobol ee Shabeelaha dhexe iyo Banaadir(Muqdisho) looguma imaan dad DAAMI(Mudulood Hawiye) ah ee waxa uu gumaysiga ugu yimid gobolka shabeelaha dhexe caasimadiisa BuntaBarava(Jowhar)Lixda Shiidle halka Muqdishana uu ugu yimid Reer Xamar(Gibil-Cad) oo Majority ah(Tirada badan) iyo Reer Mataan oo minority ah(Dadka laga tira badan yahay) waxaana loo yaqaanay Xamar oo deegaanka ah (Gibil-Cad) iyo Xamar daye oo magaalada banaankeeda dhanka waqooyi xoolo dhaqato ku ahaa halka koonfurta Muqdishana Geledi(Digil) lahayd.

Hadaba dad sidan u boobay dhulkii ay lahaayeen dadkan aan soo xusnay misna ku taagan maanta inay boobaan dhulkaaga oo weliba raba in aad gacantaada ugu saxiixdo ayadoo welibana aydaan wadaagin waxba kolka laga reebo derisnimo baadil ah(xaaraan ah) iyo Soomaalinimada misna xitaa ogolayn jiritaankaaga dadnimo kaagana soo hoyan dhibtii ay kuu gaysteen in maanta Caro Mirifle idiinku xanbaarto waa ADOO NOOL XABAASHAADA QODO SI LAGUUGU DUUGO ADOO NOOL.

Abdiaziz ShSalah

Wadajirradio@Gmail.com

Shabakada Daafeet.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail comments@daafeet.com

3 Fikradaha Akhristayaasha

  1. hasan yare says:

    Waxaa cajiib ah in maanta Digil eed ka sheegto hawiye..Digil dhul gooni uu leeyahay ma jirto dhulkan Shabeeada Hoose runtii Hawiye uga badan Degmada Afgooye dhanka Deexda bal qabiil degan oo Digil ah soo sheega? Dhanka waqooyi iyo Magaalada Afgooye waxaa degan Galedi,Bagadi,Goobroone, Wacdaan, Moobleen, Silcis, dhanka Bariire ow dhegle Gaaljacel, Murusade, Wacbuudhan oo u badan Daaud Iyo Jambaluula oo galedi iyo Bagedi degan. Dhanka Daafeed marka loo socdo Gaaljacel Moobleen, Baadacade,Wacbuudhan kadibna waxaa ku tageyso LEEGO Digil waa magac isbaheysi inta badan kuma hadlan Af Maay Maay Jiido luqad gooni leedahay, tTuni sidoo kale Bagadi goomee digil noqday Waa dad ka so jeedo Ajuuraankii la jebiyay. Shanta Caleemod goormee noqdeen Qabil digil ka mid ah. Goobroon iyo Eylo isbaheysatay baa la magac baxday Shanta Caleemood. yaa sheegi karo meesha ka timid Shanta Caleemood? Digil ma ahan qabiil ee waa dad deegaanka ka dhaxeeyso. Jiido waa la yaqaanaa asalkooda? Tuni sidoo kale abtirsiga galedi baa waxaa dhex galiseen sidii kuwii daaroodka iyo isaaqa in carabta ka yimid

  2. Waamo says:

    Asc asxaabta salan ka dib hadi aan rayikeyigeyga ka dhibto meshan runti waxey jirtaa in boqortoyadi Daami ka talin jirtay Gobolada bay bakol Gado sh.hoose j. Hoose j.dhaxe qorayga kuma racsan in beesha digil ama DAAMI Maamuli jirtay sh.dhaxe iyo banaadir geybo ka tirsan sida uu hadalka u dhigay wuxu yiray mesha qadka cagaran lo yahan ee u dhaxeyse dagalki habar gidir & Abgaal ayaa xaad u ahaa labada boqortoyo ee imaan yacquub imanka beesha mudulood xududa saxda waxey heed ee laba boqortoyo imaan yacuub iyo Daami sinka dheer ee afgoye sidan kor kuso xusay boqoroyadi daami marke mamuleyse lixda Gobal boqortoyada imaan yacquubna waxey mamuleyse sh.dhaxe xamar qeybaha ee dagan besha mudulood ee mudug Galgauud hiiraan lkn midka mesha ku jirto aye maxey tahay boqortoyadi daami waxa ku hoos nolaa dad ka dhashay besha mudulood qeybo ka tirsan juboyinka iyo sh. Hose mala shegan karan besha mudulod boqortoyadi daami bay iyo bakool iyo Gado shekada wa sida

  3. John says:

    Mahadsanid Madeleine waa arin sax ah in aan u shaqayno degmada Gumbax waana in aanu ka hormarinaa dhinacyada kala duwan ee nolosha , waa in dadka reer puntland ee ku sugan Degmada Gumbax laga dhigaa kuwo maskax ahaan ka sareeya bulshada inteeda kale iyada oo laga dhisayo waxbarashada iyo caafimaadka


Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.