Deg-Deg..Suldaan Xasan Nuur oo Xoriyadiisa dib u helay.

0
54

breaking-nSida uu ku soo waramaayo wariyaheena gobolka Shabeelaha hoose waxaa maanta xoriyadiisii dib u helay Suldaanka guud ee beesha Quraawane Suldaan Xasan Nuur Caliyow kadib kolkii ku dhowaad Sagaal bilood ay gacanta ku hayeen Amniyaadka Xarakada Shaab.

Suldaan Xasan Nuur Caliyow ayaa bishii May sanadkii tagay 2015 waxaa gurigiisa degmada Awdheegle ka watay koox ka tirsan Amniyaadka Shabaab kuwaasi oo uu gacanta ugu jiray ilaa maanta oo ay taariikhdu tahay 2/2/2016 oo ay dib xoriyadiisa ugu soo celiyeen.

Wariyaheena oo caawa Suldaanka kula kulmay gurigiisa degmada Awdheegle ayaa idiin soo tabin doonaa wareysigii uu la yeeshay saacadaha soo socda.