Suldaan Xasan Nuur”Mudadii aan Shabaabka la joogay si fiican ayay iila dhaqmeen”

0
73

Xasan nuuurWaxaa xaley wariyaheena gobolka Shabeelaha hoose u suura gashay inuu wareysi dhinacyo badan taabanaaya uu ka soo qaado Suldaan Xasan Nuur Caliyow oo maanta xoriyadiisii dib u helay kadib kolkii ku dhowaad Sagaal bilood ay gacanta ku hayeen Amniyaadka Xarakada Shaab.

Suldaan Xasan Nuur Caliyow ayaa bishii May sanadkii tagay 2015 waxaa gurigiisa degmada Awdheegle ka watay koox ka tirsan Amniyaadka Shabaab kuwaasi oo uu gacanta ugu jiray ilaa maanta oo ay taariikhdu tahay 2/2/2016 oo ay dib xoriyadiisa ugu soo celiyeen.

S-1.Hadaba Wariyaheena gobolka oo Suldaanka Gurigiisa ku booqday ayaa waxa uu Suldaanku weydiiyay bal inuu ka waramo mudadii uu ku jiray gacanya Xarakada Shabaab sida ay ula dhaqmeen?

J-Suldaanka oo ka muuqatay degenaan iyo kalsooni ayaa waxa uu ku jawaabay”Ilaahaa mahad oo dhan leh,waxaa kaloo mahad rabaa inaan halkan uga soo jeediyo intii gacanta ka gaysatay in aan xoriyadayda dib u helo gurigaygana aan dib ugu soo noqdo anigoo xor ah”Tan kale “Runtii waxaan ahayn tuhun oo aniga laygu eedeeyay ma jirin tuhunkiina wakhti ayaa cadeeyay oo dhalinyarada waa ay xaqiiqsadeen in aan ahay Suldaan dadkiisa iyo dalkiisaba ugu adeega Nabad,Siyaasadna aan shuqulba ku lahayn”

S-2.Mudadii aad gacanta ugu jirtay Shabaab sidee ayay kuula dhaqmeen?

J-Suldaan Xasan Nuur oo dhoola cadeynaaya ayaa yiri”Waxaa laga yaabaa inaad aamini weydo waxa aan kuu sheego laakiin Aniga waxaan kuu sheegaayaa waxaanan ahayn inaan magaaladayda Awdheegle ah ka maqnaa ma ahee mudadii aan maqnaa haba yaraatee aanan dhib arkin waxaana ku tilmaami karo martisoor kaliyaan la kulmay oo haday noqon lahayd wax kasta oo baahi Aadame ah oon u baahdo waa laysiiyay,Welibana waan kaga mahdinaayaa dhaqankii suubanaa ee ay igula dhaqmeen mudadii aan la joogay”

S-3.Maxaad ku eedaysnayd oo laguu sheegay?

J-Waxyaalo iska tuhun ah oo runtii cadayn iigaga baahdeen ayaa lay weydiiyay Anigana waxaan ka ogaa unbaa u sheegay oo Aniga waad ogtahay Suldaan baan ahay oo Xarigjiid Siyaasadeed shuqul kuma lihi.

S-4.Hada gurigaaga ayaad joogtaa xuriyadaadana dib ayaad u heshay sidee u cabiri lahayd farxadaada?.

J-Suldaanka oo dhoola cadeynaaya ayaa igu yiri”Meel gurigaaga iyo Dalkaaga iyo Dadkaaga dhexdooda ka farxad badan baan jirin ma ahee Aniga mudadii aan maqnaa intaan kaliyaa iga maqnayd ma ahee Aniga dhib ma qabin hadana dhib ma qabo”

S-5.Waa kan oo caawa beesha,beelaha deriska iyo deegaanka Degmada Awdheegle dadkii degenaa ay kula wada joogaan oo gurigaaga soo buux dhaafiyeen,Telefoonada,maxaad u sheegi lahayd dadkan?

J-Walaahi kaliya waxaan leeyahay Suldaan Xasan Nuur Caliyow waakanaa waa fiicanahay,Si fiican aa la iila dhaqmay,waana ku mahadsan yihiin,Idinkana soo dhowaada gudaha iyo dibada Beesha,Ahalka,Asxaabta,Deriska iyo inta i taqaano inta waxaan leeyahay waa ikanaa caawa gurigayga Awdheegle ayaan ku jiraa oo ku baryooyaa,Dhamaantiinana waad mahadsan tihiin.

Jawiga guriga Suldaanka ee Degmada Awdheegle ayaa caawa waxa uu ahaa mid ay dadku soo buux dhaafiyeen si ay Suldaanka u salaamaan.
Cabdikariin M. Aadan
Awdheegle.