FBI oo Kusoo Biirtey Baaritaanka Qaraxii Daalo Airline

1
24

daaloSaraakiil ka tirsan FBI-da dalka Mareykanka ayaa soo gaaray Muqdisho, kuwaasoo la sheegay inay ku biireen Hay’adihii amaan ee horay baarista ugu waday qaraxii diyaaraddii Daallo Airlines.

Khuburadan ka socda FBI-da Mareykanka ayaa waxaa warbaahinta u xaqiijiyay saraakiil ka tirsan hay’adda duulimaadka hawada Somalia, iyagoo xusay in khuburadan ay dalka u yimaadeen in la ogaado waxa dhabta ah ee Qaraxaasi uu ahaa.

Agaasimaha Duulimadyada Somalia, C/waxiid Sheekh Cumar ayaa sheegay inay dowladda Somalia ka dalbaday xukuumadda Washington in baaritaanka ay wadaan laga Caawiyo.

Sidoo kale, agaasimaha oo wareysi siinayay NBCnews, ayaa wuxuu yiri “Waxaan rabaa in baaritaan dhab ah la sameeyo si loo qanciyo ciidamada Amaanka, shacabka iyo dhammaan dadka ay wixii dhacay khuseeyaan.”

C/waaxid Sh. Cumar ayaa hadalkiisa ku daray in hay’adda FBI-da dalka Mareykanka ay ku Casuumeen baaritaanka hadda socda, wuxuuna intaas ku daray in Baarista socoda ay Qayb ka yihiin saraakiil Soomaali ah oo kusoo Tababartay Brtiain.

1 COMMENT

  1. aadbaan ugu faraxsanahay baaritaanka fbi .waayo somaaliya waxaa la haray tuugo shisheeye oo madaw iyo cadaanba ah waxay soo sheegi jireen been caalamka ay usoogudbin jireen iyo argagixiso lagu gabado si dhaqaalaha umada loo cuno waa taas mida somaaliya la dhaqaaqi wayday oo nabad la.aanta keentay balse hadii fbi oo ah baarayaasha kaliya ee aduunka daacada ka ah beena sheegin oo waliba ameerika inaad nabad iyo cadaaladi ka jirto horseeday haday soomaaliya tageen soona saareen run waxa diyaarada gudaheeda ka dhacay .masuuliyada waa cida qaadaysa waa intii airaporka kashaqeenaysay iyo waliba ciidamada midawga afrika aadbaan ugu faraxnay in fbi ay banaanka soo dhigtay waxaan leeyahay shacabka somaaliyeed ee dhibanaa dhamaantood ha codsadeen in fbi ay somaaliya joogto si ay wax uga bartaan tuugadii horay ujoogtayna hana daayeen aadbaan utaagaeeraynaa natiijad baarista fbi

Comments are closed.