Aqriso Warsaxaafadeed Kasoo Baxay Wasaarada Arimada Dibada Dowlada Federaalka Somaliya

0
42

somaliaWasaaradda Arrimaha Dibadda xukuumadda federaalka Somalia ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay maanta kaga hadashay siyaasadda Qaran ee Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

Bayaanka Wasaaradda ayaa lagu yiri: Siyaasadda Arrimaha Dibadda Soomaaliya waxay ku dhisan tahay tiirarka xoojiya nabad-gelyada iyo Ammaanka Qaran ee heer gobol iyo heer caalami ah, iyadoo ka qayb-gal rasmi ah laga sameynayo Dublamaasiyadda laba geesoodka a iyo midda dhinacyada badan oo uu barbar socdo fulinta waajibaadka la xiriira balamada, heshiisyada caalamiga iyo dhiirri-gelinta howlaha ganacsi iyo dhaqaale si loo gaaro horumar waara.

Waa markii ugu Horreysay Siyaasadda Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo la qoray, laguna Saleeyay Hawl Wadajir ah oo Hubineysa Nabadda, Barwaaqada, Horumarka Gobolka iyo caalamka intiisa kale.

Dhabahan waa mid u suura-gelinaya Soomaaliya inay wax wadaag faa’iido leh sameyso si dawo loogu helo caqabadaha ballaaran ee hor-taagan caalamka sida horumar waara, ilaalinta deegaanka, xuquuqda aadanaha iyo ka hortagidda Argagaxisada.

Somalia, iyadoo ka guul-keeneysa ujeeddooyinka Siyaasadda Arrimaha Dibadda, waxay la shaqeyn doontaa Dhamaan Dalalka iyo ururada wax wadaaga kala dhaxeeya si loo hubiyo fulin Guul huwan oo ku Qotonta Aragtideena, si loo gaaro horumar Qaran, mid gobol iyo mid caalami ah.

Siyaasadda Arrimaha Dibadda Somalia waa mid cad Dhex-dhexaadnimadeeda iyo Waajib Gudashadeeda ee ah ilaalinta Madax-bannaanida, Qarannimada iyo Midnimada Ummadda Soomaaliyeed.