Guuxa Dadweynaha..Shariif Beena hawaasna ka Been badan

0
54

sakiin

 

 

 

 

 

Beeni waxay leedahay hal lug hadii laga qabtana warkeeda meeshuu ku dhamaadaa oo uu ku egyahay Laakiin Beenloowgu sidaa ma ahan oo marwalba oo aad beentiisa daaha ka rogtaba waxa uu ku sii daba nudaa mid kale oo uu ku qarinaayo beentiisa hore,
Iyadoo xaalka Beenta iyo Beeloowgu ay sidaa yihiin ayaa waxaa hadana mar walba dhacda in uu Beenlowgu beentiisa ku meel mariyo bulshada inteeda fahamka gaaban iyo dulaalada dadka ku hoos nool.
Waa dhab,oo ma ahan arin la inkiri karo in Beentu tahay xirfad ay adeegsadaan dad xariif ku ah waaqaca bulshadooda yaqaanana habka iyo hanaanka loo xado caqliga bulshada kuna dhex leh bulshada wax uun sumcad la mood ah,Waxaana sidoo kale marag madoonta ah in wakhti kadibna bulshadu ku baraarugto inuu ruuxaasi yahay Beenloow.
Bal ila ila doona jawaab sanadkii hore 2015 wakhtigan oo kale balanqaadyadii indha sarcaadka ahaa ee ay Shariif iyo kooxdiisa u balan qaadeen dadka iyo dalka KoonfurGalbeed sedex gobol Maxaa ka hirgalay?
Ma yara su’aalaha ay dadku iska weydiinayeen Balanqaadyadaas iyo weliba Guuxa balaaran ee ka soo yeerayay!
Waa kan mid ka mid ah madal fiidsi oo Muqdisho ku taal kuna kulma inta badan dad kasoo jeeda KoonfurGalbeed kuwaasi oo habeenkastaba isugu calaacala dhibta maalinwalba soo yeeraysa dadkooda,
Waa kan mid ka mid ah dadka fiidsanaaya ninkan waa nin labis qurxoon kana shaqaysta Muqdisho kuna shaqaysta xirfadiisa macalin-nimo oo waxa uu ka shaqeeyaa mid ka mid ah Jaamacadaha tira beelka ah ee sida gaarka ah loo leeyahay ee Muqdisho…Waxa uu isweydiinayaa dadkana uu u bandhigaayaa waxa maamulka Shariif looga la’yahay inuu ka hadlo Arimaha gobolada KoonfurGalbeed kuwa maqan iyo kuwa uu hada isaga sheegto inuu ka taliyo oo wasiirkiisa Amniga sheegayo inayan iyagu ka talin?
Nin gees fadhiyay oo aad moodo inuu su’aasha ku soo baraarugay ayaa yiri”Maxaad Shariif ka sugaysay?”ma maqlin maahmaahda leh”Shaydaan Reewing Asharaafa sheegidee!”Nin Shaydaan wal fayle ku sugi Allow walbadanga sugee,
“Kaagoow hordareerjheey nagadii bakti aamow ma huraaw”ayaa waxa lasoo booday nin da’dhexaad u muuqday oo aad moodo inuu quus ka joogo Shariif iyo kooxdiisa,Sedii gobol,Sediidaano gobolbaa hanuunba gurayteenaa waane sediidiin…Shabeelaha hoose uni ma xukumaano erteen,Bakool madawiini weeldhiti….Bayna xarunta seerjiti ku degentaan,Marka anii jan lahaa mis!
“Wale waa yaab ummaddan maxaa helay kan sixirna ka weyne ma cuqubo horey u galeenbaa laga gudayaa”ayaa nin dhalinyaro ahaa oo mawduuca saraaxadiisa ka yaabay ku darsaday warkii socday.
Afkaa lawada xirtay maskaxdaa loo noqday oo ruux walba feker iskiisa ah ayuu galay intii yareyd ee lakala aamusnaa ayaa lagu baraarugay wareysi uu mid ka mid ah idaacad beeleedyada Muqdisho siinaya gudoomiyaha degmada Afgooye wax ugu horeeyo ee ay maqlaana waxa uu ahaa Gudoomiye CabdiQani oo leh”Xaalka hadaan wax laga bedelin waxaad arki doontaa Afgooye oo Ciidamada Dowladu Rag ku kufsanooyo”
Warkii horeba war soo dhaaf waana lays wada eegay oo waa la rumaysan waayay waxa la maqlay laakiin gabar adeegto ka ahayd goobta ayaa tiri”Ninkii raali ku noqday in micna daro loo dilo,loona aarin,Ninkii xoolihiisa inta la dhoco laguna hor xaragoodo,aanu ka dhigan,Hooyadiis,Xaaskiisa iyo Gabartiis lagu hor kufsadoon ka dagaalamin in la kufsado isaga maxaa diidaayo?”
“Waxaan oo dhan Shariif iyo kooxdiisa ayaa noo keenay hadii markii horeba aan iska diidi lahayn maanta maamulkeena ma laysku dhiidhiibi layn Dhalinteenana kufsi looguma hanjabeen”ayuu yiri oday tala gab u muuqday.
Guuxa weli waa socdaa…..
Waa inoo Todobaadka Danbe.
AbdiAziz ShSalah.