Daawo sawirada Madaxweyne ku Xigeenka Dalka Ciraaq oo Maanta Booqasho Ku Tegey Magalada Muqdisho

0
27

ciraaqMadaxweyne ku xigeenka dalka Ciraaq, horayna u soo noqday RW-hii Ciraaq, Ayad Allawi & Wafdi uu Hor-kacayo ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho, iyagoo kulammo la qaatay madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh iyo RW Sharma’arke.

Wafdiga uu hoggaaminayo Allawi ayaa waxaa garoonka Muqdisho kusoo dhaweeyay RW Somalia, Xubno ka tirsan Wasiirrada iyo Baarlamaanka Somalia, iyadoo ay soo dhaweynta qayb ka ahaayeen safiiradda Somalia u fadhida dalka Ciraaq.

Kulanka dhexmaray Ayad Allawi iyo Madaxda Somalia ayaa waxaa looga hadlay Xoojinta Xariirka labada Dal iyo sidii Somalia iyo Ciraaq ay isaga kaashan lahayeen La-dagaallanka Argaxisada iyo sidii dowladda Ciraaq ay gacan u siin lahayd dowladda federaalka Somalia.

Dhanka kale, madaxweyne ku xigeenka Dalka Ciraaq, Ayad Allawi ayaa wuxuu sidoo kale booqday dhismaha Baarlamaanka Somalia, halkaasoo uu hadal aad u kooban ugu jeediyay xildhibaannada baarlamaanka, isagoo sheegay in Somalia iyo Ciraaq uu ka dhexeeyo xiriir wanaagsan.

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha baarlmaaanka Somalia Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo isaguna la hadlay xildhibaannada baarlamaanka ayaa sheegay inay u tahay sharaf weyn Baarlamaanka Somalia inay soo dhaweeyaan Ayad Allawi.

ciraaq2

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

ciraaq1

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

ciraaq