Xog…Gudoomiyaha degmada Afgooye oo xil ka qaadis lagu samayn doono.

8
327

qani

 

 

 

 

Xog lagu kalsoonaan karo oo aynu ka kala helnay ilo kala gedisan oo ku kala sugan magaalooyinka Muqdisho,Afgooye iyo Baydhabo ayaa ku waramaya in gudoomiyaha degmada Afgooye Cabdiqani Yuusuf Axmed xil ka qaadis lagu samayn doono maalmaha soo socda iyadoo sidoo kalena la diyaariyay shaqsigii lagu bedeli lahaa.
Cabdiqani Yuusuf Axmed oo loo magacaabay xilka gudoomiyaha degmada Afgooye bartamihii bishii Juun sanadkii tagay ayaa dekeratadii lagu magacaabay lagu sheegay in xilka uu hayn doono mudo lixbilood ah taasi oo kol hore laga soo gudbay,Hayeeshee soo shaacbixista Xil ka qaadista gudoomiyaha degmada Afgooye Cabdiqani ayaa waxay salka ku haysaa kacdoon aad u balaaran oo shacabka degmada Afgooye bilihii lasoo dhaafay ay ka wadeen gudaha iyo hareeraha degmada kaasi oo lagu diidanyahay maamulka degmada ee hada shaqeeya oo 90% xilalka ay ka hayeen Shaqsiyaad kasoo jeeda gobolka Galgaduud bartamaha Soomaaliya iyo Isbaarooyinka tira beelka ah ee ay maleeshiyada beesha Abgaal ee ku labisan dharka Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed ay soo dhigteen gudaha degmada.


Xogtan ay heshay Daafeet.com ayaa sidoo kale waxay xaqiijinaysaa in xil ka qaadista gudoomiyaha degmada Afgooye ay dadaal badan ku bixiyeen shaqsiyaadka kala ah,
Col. Xasan Dhicisow Xasan Taliyaha Ciidanka Birmadka gobolka Shabeelaha hoose(Abgaal),Taliyaha Saldhiga Booliska Degmada Afgooye Dhamme.Amiin Maxamed Cusmaan(Hariin) labadan ruux ayaa ka sakow xilalka ay ku magacaaban yihiin ayaa sidoo kale waxay lacagaha canshuuraha ee degmada lagasoo aruuriyo ugu wakiil yihiin General Axmed Xasan Maalin(HabarGidir) oo isagana ah Taliye xigeenka Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.


Shaqsiyaadkan aan kor ku soo sheegnay ka sakow waxaa iyana xil ka qaadista gudoomiyaha degmada Afgooye dabada ka riixaya Col.Maxamed Cabdulaahi Xaamud oo loo yaqaano Mayoow ahna Taliye xigeenka Hay’ada Nabadsugida Soomaaliyeed oo isagana doonaya in xilka loo dhiibo nin ay Ilma adeer yihiin,Sidoo kale waxaa dadaalkan gudoomiye Cabdiqani xilka looga qaadayo qayb ka ah Wasiirka arimaha gudaha KoonfurGalbeed Cabdiraxmaan Aadan(Sate) iyo Cabdifataax Maxamed Ibraahin Geeseey oo iyaguna gudoomiyaha kala saftay Taliyaha Saldhiga degmada Afgooye Dhamme.Amiin Maxamed Cusmaan(Hariin) oo ay beelwadaag yihiin.
Guud ahaan Xilka qaadista la doonayo in lagu sameeyo gudoomiyaha degmada Afgooye Cabdiqani Yuusuf Axmed ayaa lagu sheegay inay tahay mid ujeedobadan ah oo guud ahaan isbahaysatadan duulaanka ku ah gudoomiyaha ayaa waxay u muuqdaan qaar ku heshiiyay dhaca Maamulka,Dhaqaalaha,Dilka,Barakicinta,cagajuglaynta iyo Amni xumida dadka ku dhaqan degmada Afgooye.


Talaabadan kooxaha duulaanka ay ku doonayaan inay ku caburiyaan kacdoonka reer Afgooye ayaa waxay xogta aan helnay carabaabaysaa in reer Afgooye laga caburiyo dhinacyada Siyaasada,Dhaqaalaha iyo Amniga,Iyadoo talaabadaasi laga duulaayo ayaa kooxdani waxay ku heshiiyeen:


1-In xilka laga xayuubiyo Gudoomiye Cabdiqani Yuusuf Axmed laguna bedelo Ahmed Sheekh Abdiwahaab oo ka mid ah urur Diimeedka Damuljadiid haatana ka shaqeeya Bankiga Damuljadiid ee Salama Bank isla markaana kasoo jeeda beesha Geledi.


2-In guud ahaan Suuqa Xoolaha lagu kala iibsado degmada Afgooye loo raro KM13 si dhaqaalaha kasoo xarooda Suuqa(Canshuurta) ay u yeeshaa maamulka gobolka Banaadir(Hawiye) iyadoo qaybta kala iibsiga Geela hadaba loo sii raray KM15 xuduuda kala qaybisa Muqdisho iyo Afgooye dhanka Muqdisho.


3-Guud ahaan gobolka Shabeelaha hoose si gaar ah degmada Afgooye waxaa hada ka howl gala Amnigana gacanta ku haya waxa loogu yeero Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed oo runtii ah maleeshiyo beeleed xoogoodu kasoo jeeda Beelaha Hawiye si gaar ahna Abgaal iyo Habargidir.


Xogtan oo maalmaha nasoo aadan miiska lasoo saari doono ayaa danta laga leeyahay ku soo koobmaysa in reer Afgooye lagumaado,Kacdoonkooda xaq u dirirka ahna cagta la mariyo,hayeeshee Imisaa Gumaysi ku taamay inuu Shacab xoriyad doonay uu caqta mariyo oo badanaa oo weliba badanaa Shacab xaqiisa gacantiisa ku keensaday gumaysina ka oohiyay!

8 COMMENTS

  1. asc
    walaalkey qoraha daafeet.com waxaan kuu sheegaa marka hore in ninka lagu magacaabo Amiin oo ah taliyaha booliska afgooye uu yahay magac u yaal askari Hariin ah waxba kama ahan afgooye lkn DM iyagaa rag isku ah waxaan kuu sheegaa dulmiga aad ka hadleyso reer shabeelada hoose guud ahaan heysto wax kaa fujin karo malahan xataa madaxweynaha somaliya mar badan waan sheegey halkaan ayaana kusoo qorey Digiloow ciidan sameysta hadaad rabtaan in dhulkiina aad u madax banaanaataan war kale ka daa umada wacyi galin biloow sidii aad ciidan ku heli laheedeen waajib ayaa kaa saaran adigaas qalinkaaga lacagtaada iyo codkaada uga qeyb qaado koonfurgalbeed degmo kasta 350 askari iney u taba bareyso ayey sheegtey aruuriya ciidanka daafeet 5qabiil ayaa degan min 200 wiil ma heli karaan miyaaa war maxaa damiirka idinka qaadey hadal waxba kuuma taraayo

  2. Website Daafeet aad ayaad u mahad santahay, marwalbo xaqiiqda aad soo tabisid. Laakiin tuugada magaalada kusoo duushay waxad ka ilowday Cumar Farey oo isagana ah tuuga uga weyn ee dilalka qorsheysan ka fuliyo magaalada una adeega taliska fadhiidka ah ee Shariif Sakiin, markii Cumar Faray la qabtay isagoo dhac iyo tuuga nimo kusameynaaayo magaalada uu yiri anniga waxaan ahay nin Subuge iyo Maclinle oo waxaan ahay Murunsade Awyuusufow sidaa lagu cafiyey laakiin hadda wuxuu cadeystay tuuganimadiisa ee beesha Murunsade waxaan leenahay tuugan iska qabta am shaqo ayaan ku qaban donna haddii aan nahay beelweynta Geledi. Wallaalkey Abdi adiga waxaad tiri dhalinyaro keensada oo la idin soo tababarro ma ogid miyaa in uu iib sado maamulka Koonfur Galbeed tababaradda loogu tala galay, marka meesha Digil waxba uma yaalo ee yaan leys daalinin intii aan ku heleyno maamul xaq ah oo matilo DM mahad sanid.

  3. wlhi cadaalad waxey timaadaa marka awooda isla ekaato maamul xaq ah ha sugin walaalkey xaqaaga u dagaalan idinka isku daya inaa is tababartaan hadii xaalku sidaas yahay Biimaal waad aragtaan meel kasto waa looga soo duuley waxey iska adkeeyaanba maanta hal urur ayaa loo qarameeyey guushooda oo ah iney deegaankooda maamushaan wey u dhowdahay, waxa aan hubo oon theory ahey waaye xaq cadaalad xurnimo iyo wanaag kasto oo soomaaliya dhexdeeda aad ku yeelataan waxey idin kaga xirantahay ciidan xataa hadii beesha caalamka timaado afgooye waxey la macaamili doontaa qofkii ciidankiisa meeshaas joogo walaalayaalow hadal intii hore ha ahaado ciidan hala dhiso kuwa xamar lagu tababaro qof kasto ayaa qorto taas anaaba og xitaa nimanka duurka joogo waa laga soo tababaran karaa lkn nin gundan ayaa loo gargaaraa adigaaba jiifo hadal kaa soo harey

  4. Waxaan idin sheegayaa wax idinka qorsoon, Amiin waa nin walaalkeeyna ah oo mirifle ah aakiin wuxuu indho u noqday Burcada labisan dharka dowlada ee bartay boobka dadka reer afgooye ,tan kale Amiin wuxuu adeege u yahay jeneraal Maalin asigaana meesha ku haaaya oo qeeyb ka hela lacagta xaqdarada,tan kale Cumar Farey lacagta degmada shriif sakiin iyo cabdiraxman sette ayaa u dhiibtay ninkii la hadlana ayaga hortaagan oo lagu handadaayo xil ka qaadis, qof kasta oo joogo baydhabo wuu arki karaa gaariga uu cumar fareey u soo gaday cabdiraxan sette oo Hilux labo shireey waa lacagta canshuurta afgooye, marka goormee la dhisaa afgooye lacagta oo sidaas iyo si ka xun ayaa loo isticmaalaa inta soo harta warsangeli abgaal ayaa hub loogu gadaa

  5. war intaas oo war ah ayaa idinku jira maxaa loo sameen waayey ciidan 15sano ka hor Garre afgooye dhaxdeeda ayuu ku xabadeen jirey Hawiye idinka Geladi maxaa idiin diidey inaad dagaalantaan ma ii sheegi kartaan maku fakirtaan arintaas ciidan in la sameeyo yaa ka sugeysaan in ciidan idiin ilaaliyo uu idiin sameeyo war dhiig isku yeela sidaan dhimashaa ka roon

Comments are closed.