Maamulka Shariif oo u diiday Ehelada dadkii ku geeriyooday qaraxii Baydhabo inay Baroordiiq(Tacsi) u sameeyaan.

0
29

qbWararka ka imaanaya magaalada Baydhabo caasimada gobolka Baay ayaa waxay ku waramayaan in dadkii Ehaladooda ku waayay dayacii ciidanka Amniga maamulka Shariif lagu wargeliyay inayan Tacsi u dhigi karin Eheladoodii ay ku waayeen dayaca hay’adaha Amniga maamulka Shariif.

Qaar ka mid ah dadkii Eheladooda ku waayay Qaraxyadan ayaa Daafeet.com u sheegay in Ciidamo isugu jira Booliis iyo Nabadsugid ay guryaha ku booqanayeen dadkii Eheladooda ku waayay Dayaca Hay’adaha Amniga maamulka Shariif iyagoo ku wargelinaayay inayan wax Baroor-diiq ah u samayn karin Eheladoodii ay ku waayeen Qaraxyadii ka dhacay magaalada isla markaana cidii u hogaansami weydo amarkana talaabo sharci ah oo ilaa Xarig gaarsiisan ay la kulmi doonaan.

Daafeet.com oo la xiriirtay taliyayaasha ciidamada Boliiska iyo Nabadsugida ayaa labaduba diiday inay ka hadlaan Amarkan uu maamulka Shariif shacabka reer Baydhabo uga mamnuucay inay eheladoodii ka geeriyooday ay Tacsi u dhigtaan.

In kabadan 41 ruux ayaa waxay ku geeriyoodeen labo qarax oo maalin-nimadii Axada gelinkeedii danbe ay Xarakada Shabaab la beegsadeen dad Shacab u badnaa oo ku Shaahayey magaayadaha qaraxyadan lala beegsaday,

Kudhowaad 36 ruux oo ka mid ah 41 dii geeriyootay ayaa waxay kasoo jeedeen magaalada Baydhabo halka 5 ruux oo kamid ahaa dadkii geeriyoodayna ay ahaayeen dad howlo u joogay magaalada iyadoo 14 ka mid ah dadkii geeriyoodayna ay isku beel ahaayeen iyadoo sidoo kalena ku dhowaad 75 ruux oo dhaawacyo kala gedisan qabayna ay weli baadi goob ugu jiraan sidii ay daaweyn u heli lahaayeen.

Isbitaalka guud ee Baydhabo ayaa dhankiisa waxaa laga soo sheegayaa dhibaatooyin la xiriira wax u qabadka dadkan ku soo waxyeeloobay Qaraxyadaas iyadoo maamulka Iasbitaalka lagu eedeynayo inuu Haybsooc kula kacay qaar ka mid ah dhaawacyadii la geeyay Isbitaalka Guud yadoo taasina ay sababtay in inta badan dadkii dhaawaca ahaa ay isaga soo kala dareeraan Isbitaalka guud ee Baydhabo iyagoo maciin biday Isbitaalada sida gaarka loo leeyahay ee magaalada ku yaal.

Talaabadan maamulka Shariif uu kaga mamnuucay Shacabka Baydhabo inay Baroodiiq u sameeyaan Eheladoodii ay ku waayeen dayaca Hay’adaha Amniga Maamulkiisa iyo Haybsooca ka jira Isbitaalka guud ee degmada Baydhabo ayaa waxay daaha ka rogayaan dhibaatada uu maamulka Shariif baday guud ahaan dadka dega KoonfurGalbeed si gaar ah reer Baydhabo.