Yaa u Maqan Shacbiga Degmada Afgooye ee Gobolka shabeelaha hoose?

2
158

AFG1 copyBilihii ugu dambeeyey degmada afgooye gobolka shabeelaha hoose waxaa ay noqotey kawaan shacabka ku nool magaaladaasi maalinba sida xoolaha oo kale loogu gowraco, Gowraca iyo gumaadka ka socda degmada afgooye ayaa haatan waxaa uu gaarey heer inta damiirka lahi aysan ka aamusi karin.

Dadka ku nool degmada afgooye ayaa waxaa lagu sifeeyaa iney yihiin dad nabagelyo isla markaana jecel soomalinimada wada noolaashaha iyo soo dhaweynta islaanimadana u tahay sifo gaar ah, Taa bedelkeeda ayaa degmada waxaa ay noqotey xarun dadkii lasoo dhaweystey ee loogu samafaley qeyraadka ala dhigey degmada  iney ugu bedelaan shacabka ku nool degmada dil, dhac, kufsi, barakicin iyo handadaad.

Hadaba reer afgooye ma istaahileen wanaagooda in loogu bedelo xumaan intaas la,eg kuwa falay se maku xisaabtameen in haddii aduunyada ay dulmigooda ku badbaadaan aysan aaqiro ku badbaadi doonin.

Dhiig daadinta degmada caadada ka noqotey ayaan si gaar ah loogu beegsan qeyb gaar ah oo bulshada ka mid ah oo falka kooxahan manaxayaasha ah waxa uu noqdey mid ay ka simaan caruur iyo waayeel, rag iyo haween, dhalin iyo wax gal, culimo iyo caamo oo intaba ah bira ma geyto.

Waa arin ka weyn caqliga aadamiga in dulmiile uu kuu noqdo qaali xukunka laga sugaayana uu noqdo cadaalad waxaan taas ula jeedaa dhiiga reer afgooye ee daatey kuwii daadiyoo jooga hadana aan loo qaban dambigii ay galeen in badan oo ayaga ka mid ahna abaalmarin loogaga dhigey xilal aysan aqoon u laheyn.

Bal meel ku sheeg halkii uu ku dambeeyey keysas umada loo sheegey oo la yiri waan baareynaa, waan ku daba jirnaa, waan soo qabaneynaa, cadaaladeynu hor keeneynaa, dambigey galeena waa u ciqaabeynaa.

in kastoo aysan hadaladaasi ku cusbeyn dhegehena ilaa iyo maanta oo kasoo wareegatey Jun 20 -2015 dilkii loo geystey alaha u naxariistee taliyihii nabadsugida degmada afgooye Liibaan Abuukar Yuuyuu oo askar ka tirsan ciidanka dowlada oo ku sugnaa bar koontrool loo cayimey ciidankaas ay maalin cad ku dileen welibana aqoon loo leeyahay shaqsiyaadka falkaasi arxan darada geystey hadana hadalka dowlada xasan sheeg waxaa uu taagan tahay waan baareynaa, waan ku daba jirnaa, waan soo qabaneynaa, cadaaladeynu hor keeneynaa, dambigey galeena waa u ciqaabeynaa.

yuyu

 

 

 

 

 

 

 

Bal ila eeg dhacdadan xanuunka badan waa dil kale oo maalin cad ka dhacay suuqa degmada afgooye xili dadka ay dukaameysanayeen oo dadku buux dhaafiyeen gudaha suuqa in la toogto gudoomiyihii hore ee degmada afgooye alaha u naxariistee Cabdulaahi Axmed Iidey kadibna la yiraahdo burcad wejiga soo xiratey oo aan heybtooda la aqoon ayaa dilka geystey kadibna wey baxsadeen.

cabdulahi-ideey

 

 

 

 

 

 

 

Nagu filan dhacdooyin xanuun badan oo midba mida kale ka tilmaan adag hadana in dad loo maxkamadeeyo daaye aan xitaa cid tuhun loogu qaban imisaa dil ah, imisaa dhac ah, imisaa kufsi ah,  handad iyo bara kicin lasoo darastey shacabka reer afgooye cidna uma tira koobna tira dhaafka dhalinyaro ee isaga qaxay magalada.

Sidoo kale waa tira dhaaf hadii la maago in la tiriyo qabuuraha dadka sida gardarada loo diley intaas oo dulmi ah iyo in kaloo kasii badan degmada iyo dadkeedaba wexey noqdeen kuwo dayacnaan u jilcisey.

Guud ahaan inta sheegato masuuliyada degmada afgooye gaar ahaan kuwa deegaanka kasoo jeeda laga soo bilaabo dhaqan ilaa la geeyo xildhibaan malaha afkoodaa juuqda gabey inta yaroo is tiri hadal xil ka qaadis iyo hadadad awood in la isugu darana waa usoo joogney.

Dersi noogaga filan Cabdi qani Yuusuf gudoomiyihii hore ee degmada afgooye in uu xilkiisa ku waayey maxaad uga hadashaa dhibta reer afgooye kuwa adiga kaa sareeyaba kama hadlaane odayaashii iyo siyaasiyiintiina ay u sacaba tumayaan falka uu ku kacay maamulka musuqmaasuqa ee Shariif Xasan.

Talow goormey danqan doonaan guud ahaan shacabka ku dhaqan degmadaas oo ay iska qaadi doonaan dhibaatada 26 sano ku habsatey, Odayaasha iyo siyaasintana goormey u daqan doonaan dadka ay sheegayaan in ay matalaan oo maalin walba dadkooda waxgaradka ah iyo dadkooda qadiyada leh si gooni gooni ah loogu ugaarsanaayo deegaankooda.

gudomiyaha degmada afgooye

 

 

 

 

 

 

 

si Dhibta reer afgooye lagu hayo loogu sii hayo isla markaana aan laga hadlin waxaa loogu soo doortey degmada in gudoomiye loga dhigo ruuxii howshaasi qaban lahaa ama fulin lahaa howlaha ay u baahan yihiin maamulka musuqmaasuqa ah ee uu hormuudka ka yahay shariif xasan iyo kooxaha xooga deegmada ku heystey sanadihii lasoo dhaafey.

Hadal iyo dhamaantiis haddii reer afgooye ay isugu soo biya shubmeen mid la diley, mid qaxay, mid cabsi la yurura gurigiisa iyo masuuliyiin xilka looga qaado maxaad u hadasheen yaa u maqan shacbiga reer afgooye?

afg

 

 

 

2 COMMENTS

  1. adoonsiga ayaad jeceshihiin in la idin adoonsado markaa iska xamila waa la idin adoonsanayaa eee
    hadaad dad tihiin sida marka kaca

  2. Sxb qof adoonsi u baahan ma jiro lkn awood kaa weyn wey ku burburisaaa ogow mar dhow wax ayaad arki doontaa inshaaa allah…

Comments are closed.