Faallo..Dambiilayaal daadinta dhiiga dadkooda xilal ku helay!

1
106

daar

 

 

 

 

 

 

Ma ahan wax ku cusub dhegaha ummadda inay maqlaan faldambiyeed dhacay oo dhagarqabayaashii falka geystayna ay baxsadeen hay’adihii Amnigana ay ku raadjoogaan oo welibana maalin uun cadaalada la horkeeni doono gooray noqotaba Ifka inta la joogo amaba Aakhiro.
Balse waxaa dhegaha ummadda ugub ku ah faldambiyeed dhacay oo dhagarqabayaashii gaystayna soo taagan oo waliba xor ah misna xil ummaddeed lagu abaalmarinayo!.

Waa dhacdo ugub ah oo maamulka Sakiin ka shaqeeyay in Dambiilayaal gacmahooda weli ka qoyan dhiiga ummaddooda ay xil Safiirnimo ku qabtaan isla magaca Ummaddii ay gumaadeen!.

Dambiile Maxamed Xassan Cabdi (Madeer) oo dhanka Hooyada ay walaalo ka yihiin Sakiin ayaa maanta loo magacaabay xil Safiirnimo taasi oo uu ku helay magaca Qawmiyada Digil iyo Mirifle halka Dambiile Abuukar Cabdi Cismaan Mardaadina sidaa si la mid ah xil Safiirnimo magaca Digil iyo Mirifle maanta loogu magacaabay.
*Hadaba waa ayo labadan Dambiile?

Labadan ruux ee Dambiilayaasha ah ee aan kor kusoo sheegay ayaa waxay ka mid yihiin tiro aan yarayn oo Dambiilayaal ah oo Dambiyo kala gedisan ka galay Ummaddooda misna weli aan loo Maxkamadayn Dambigooda waxayna soo shaac baxeen xili wax garadka Qawmiyada Digil iyo Mirifle ay u istaageen inay iska tuuraan heeryadii gumaysiga sokeeye ee Hawiye iyo Daarood,Waxayna xiligaasi ku sifoobeen fashilinta hadafka guud ee Qawmiyada Digil iyo Mirifle ee ku aadanaa aaya katashiga dhulkooda iyo dadkooda.

*Dambiile Maxamed Xaaji Cabdinuur (Madeer) oo horey ugu noolaa dalka Mareykanka ayaa waxa uu ku joogay magaca maanta saxaafada ku soo baxay ee ah Maxamed Xassan Cabdi waxa uuna soo shaac baxay dhamaadkii 2013 isagoo 27 Maarso 2014na kaga dhawaaqay magaalada Baydhabo inuu yahay Madaxweyne Sedexgobol kadibna bilaabay inuu shacabka reer Baydhabo maalin cad uu gumaado wadooyinka magaalada kadib kolkii ay ka horyimaadeen damaciisii waalnaa ee uu ku doonayay inuu dadka iyo dalkaba ku kala gooyo taasi oo xukun maxkamadeed kaga mutaysan karo Dil toogasho ah ileen waa khiyaano Qarane halka dilkii ALLAH ha u naxariistee Xasan Aadan Keerow Maarso 26-2015 uu weli cadaalad suge u yahay.

Ma filaayo mana la filan karo inuu jiro wax ka weyn in la daadiyo xaq la’aan Dhiig ruux Bani’aadam ahoo weliba Shacab ah,Maxaadse maleysay hadii uu weliba si nabadgelyo ah uu xuquuqdiisa ku raadsanayay sida dhacdadii uu Maxamed Xaaji Cabdinuur (Madeer) uu ku dilay Halyeey Xasan Aadan Keerow.

*Dambiile Abuukar Cabdi Cismaan Mardaadi ayaa waxa uu ka mid ahaa shakhsiyaadkii horey xilal uga soo qabtay Dowladii Maxamed Siyaad burburkeedii kadibna waxa uu dulaal kasoo ahaa waaxyaha hoose ee maamuladii ku meel gaarka ahaa isagoo ugu danbayna 2009 uu noqday Wasiirka Gaashaabndhiga Shansano kadib Maarso 10keedii 2014 waxa uu meel banaan oo Cidlo ah lagumagacaabo Calamada una dhexeyso Afgooye iyo Xamar ka sheegay inuu yahay Madaxweyne maamul loogu yeero Shabeelle State xilli ay Qawmiyada Digil iyo Mirifle ay ku howlantahay taabagelinta maamulkooda uu hogaanka u hayay Madaxweyne Madoobe Nuunoow.

Mardaadi oo ka taaba gaadaya ku shaqaynta mabaadii’da mooryaanta 22kii Sano ee tagay xiligaas xooga ku haysatay gobolka Shabeelaha hoose ayaa waxa uu meel mariyay ajandihii Mooryaanta dhulboobka oo ahaa in si ulakac ah xasuuq loogu gaysto dadka ku nool gobolka shabeelaha hoose oo ilaa maanta taagan,Waxaana maanta marag madoonta ah in mooryaantii Shabeele State ee uu Mardaadi geeyay degmada Marka ay qoryaha la dulsaaran yihiin dhismooyinka dhaadheer ee magaalada iyagoo weliba maalinwalba ku dila magaalada Shacab aan waxba galabsan.

Maamulkii Mardaadi ee Shabeele State oo dhibaatooyinkii uu kasameeyay gobolka Shabeelaha raadadkooda weli taagan taako kasta oo ka mid ah gobolka ayaa waxaa hadana jirta in Mardaadi gumaadkaasi uu gaystay aan loo Maxkamadayn ilaa maanta xorna yahay welibana lagu abaalmariyay maanta Safiirnimo.
Labadan Dambiile ee maanta Dambigii ay ummaddoodu ka galeen abaalmarin ugu helay xil Safiirnimo ayaa dhab ahaamntii ka dhigayn Dambilaawayaal xor ka ah daadinta dhiiga ummaddooda xilalkaas loo magacaabay dartii balse waa Dambiilayaal dambigooda maalin maalmaha ka mid ah lagu qaadi doono oo Maxkamad kasoo hormuuqan doonaan cadaaladuna la marsiin doono.

Qalinkii,Abdiaziz ShSalah

1 COMMENT

Comments are closed.