Waayaha Cusub iyo Mustaqbalka Siyaasadda Soomaaliya

0
66

Qalinka: Xassan Xayle

Haddii aan, wax yar, dib u fiirino bilihii lasoo dhaafay oo ay socdeen qabanqaabo iyo diyaargarow siyaasadeed oo ay DKMG mashquul ku aheyd, iyadoo Bulshada Caalamkuna gadaal ka riixeyso.  Waxaa la dhisay barlamaan tirade xildhibaanadiisu macquul tahay, waxaa la doortay gudoomiye iyo madaxweynahay cusub, ra’iisul wassaare iyo dhismo gole wassiiro oo aad u kooban; arrimahaas oo ay bulshada Soomaalida, meel ay joogtaba, u argatay in dalku galay marxalada iyo waayo cusub oo siyaasadeed.

Sidaa darteed, su’aashu waxay tahay xukuumadda iyo hoggaankeed cusub ma ka tarjumi doonaan rajada iyo doonista SHACBIGA ee ku aadan in dalku ka baxo dhibaatooyinka isbiirsada ee ka dhashay Colaadda Sokeeye iyo burburkii ku dhacay dowladnimadii Soomaaliya.

Marxalad qabyo ah

Marxalad aan ka duwaneyn ku meel gaar

Sanado badan oo Soomaaliya kulamo iyo shirar is daba joog ah loo qabtay, iyadoo shirarkaas qaar ka mid ah noqdeen ama ay gaareyn heer caalami ah, madasha lagu qabtay shirarkaasuna aheyd dibadda dalka, iyo gunaanadka waxii loo bixiyay qorshaha ‘ROAD MAP-ka’ ee loo dajiyay qaabka dalka looga bixinayay marxaladdii KU MEEL GAARKA, ayaa waxaa cad in hawlaahaas ay horseedeen isbadeel isiyaasadeed oo, ugu yaraan, saameeyay hogaanka dalka iyo noocii dowladeed ee muddo soo socday

Sida laga war qabo ma ah, oo kaliya, isbedal saameeyay Dowladdii ku Meel Gaarka aheyd ee igu danbeyday, hayeeshee, waxaa gogosha loo laabay, guud ahaan, xaladdii ku tilmaaneyd Ku Meel Gaarka iyo dowladihii fashalka ku danbeeyay ee soo jiray ilaa iyo, burburka xukuumaddii militariga aheyd ee uu talada u hayay Jeneraal Maxamed Siyaad Bare

Iyadoo xaalku sidaas yahay, ayaa waxaan shaki ku jirin in marxaladda siyaasadeed ee dalku galay iyo qaabka dowladeed ee lagu rajo weynyahay inuu JOOGTO noqdo ay xaqiiqdu tahay in xukuumadda cusub la kowsatay hawlo badan oo aan dhameystirneyn iyo bilow marxalad, runtii, KALA GUUR ah; tasoo u baahan, ilaa waqti, inaan loo qaadan in dowladda Madaxweyn Xassan Sheekh Maxamuud tahay mid durbadiiba heysatamadaxbanaani buuxda, (Full sovereignty) oo ay go’aano culus oo siyaasadeed ku qaadan karto ama, kali ahaan, ku maareyn karto arrimo badan oo la xiriira danaha Qarnka Soomaaliyeed iyo mashaakilka bulshadeed iyo dhaqaale ee laga dhaxlay duruufihii adkaa iyo Dagaaladii Sokeeye

Haddii aan si kale u sheego, halka ay tahay inay higsato Dowladda Cusub, uguna muhiimsan hawsha ay qabaneyso muddadeeda afrta sano ah, waa xaqiijinta dib usoo celinta, (Restoration) heybadda iyo maqaamkii dowladnimada Soomaaliya, dhinac kasta iyo heer kasta, gudaha iyo dibadda, arrintaas oo dadaal iyo waqti u baahan, ayaa fur u noqnaya in Soomaaliya gaarto heer ay u madaxbanaanto qaadashada go’aanadeeda siyaasadeed iyo hanaanka dowladnimo oo ay, umad ahaan, dooneyso

Dhinac kale, xasilinta dalka iyo taabo galinta qorshaha amniga ma ah mid ku hirgalaya, oo kaliya, in guul ‘MILITARI’ laga gaaro dagaalka lagula jiro AL-QAACIDAH iyo dhalinyarada Soomaalida ah ee la safan, hayeeshee waxay u baahantahay, iyaduna waqti iyo wacyi galin ku saleysan fahamka toosan ee diinta Islaamka iyo barnaamij marxalado u qeybsan, oo ahmiyad weyn siiynaya dib u heshiisiinta bulshada, kasoo ka maran siyaasad ama, ugu yaraan, loogu danbeysiinayo waxii ku saabsan arrimo siyaasadeed.

DIB U HESHIINTAAS oo suurta galineysa in dowladda cusub ay, ugu danbeyntii, si rasmi ah ugu dhawaaqdo ama u cilaamineyso DHAMMAADKA DAGAALKII SOKEEYE ee bulshada Soomaaliyeed dhexmaray

Waxaa hubaal ah, in qorshahaas marka intiisa badan si ‘WAAQIC’ ah loo fuliyo, uu mar kale, Qaranka Soomaaliyeed hanaqaadi doono, madaxbanaaniduusna noqon doonto mid heysata ama leh sharciyad dhab ah, islamarkaana yeelan doonta awood iyo wax qabad fiican.

Marxaladda cusub iyo dhibaatooyinka jira

Mushkilada ugu weyn dhibaatooyinka jira waa arrinta siyaasadda

Dabeecadda ay leedaha dhibaatooyinka horyaal Xukuumada Cusub, runtii, waa qaran burburay mashaakilka uu yeelan karo. Waa dhibaato si balaaran ama qotto dheer u saameeyay heerarka nolosha bulshada iyo horumarka guud; raadka ay reebtayna uu muddo dheer muuqan doono. Sidaa darteed, haddii wax laga qabanayo, waxaa loo baahanyahay in daraasad iyo qiimeyn lagu sameeyo baaxadeedu inta la egtahay

Arrimaha ammaanka iyo nabadeynta dalka oo ay madaxda cusub ku celceliyeen in ahmiyadda kowaad la siin doono, waxaa loo baahanyahay inla dhinac socdsiiyo, oo weliba si degdeg ah ay Dowladda Cusub furaha ugu jarto, (Initiate) ololaha dib u dhiska dalka, gaar ahaan Caasimadda oo noqotay ASTAAN ama calaamad tusaalaha u ah burburka dalka ka dhacday.

Dibo u dhiska dalka ma horseedayo, oo kaliya, in kumanaan qofood shaqo loo abuuro, hayeeshee waxuu bulshada ku bixinayaa inay arkaan, kana maqsuudaan wax qabadka dowladnimada

Waxaa iyna lagama maarmaan ah, si wax looga qabto dhibaatooyinka ku saabsan saboolnimada baahsan, in lagu dhaqsado dib u dhiska kaabayaasha dhaqaalaha iyo horumarinta guud ee bulshada; taasoo KAALINTA kuwaad ay qaadanayaan, loona baahanyahay in loo jiheeyo, qeybaha hantida leh ee kala duwan, gaar ahaan ganacsatada iyo jaaliyadaha dibadda ku nool

Inkastoo, sida muuqatay, Xukuumadda Cusub aysan si dhaqso ah usoo rogikarin qawaaniin iyo sharciyo lagu habeeyo hawlaha ganacsiga iyo qaab socodsiinta maaliyadda guud ee qaranka, (National Fanacial Proceedures), gaar ahaan dhinaca la xiriira hantida dadweynahay iyo xal u helidda mashaakilka dhaqaale ee dlka ka jira, ayaa islamarkaana waxaa muhiim ah in daraasad iyo baaritaan dhinacaas ku saabsan lagu dhaqaaqo iyadoo la kaashanayo dadka aqoonta u leh xalinta mashaakilka noocanas ah iyo qaabka dib loogu soo nooleeyo dhaqaalaha DALALKA FASHILAY ama coolaadaha ku burburay.

Runtii, dhibaatada ugu qotada dheer, xuduntana u ah mashaakilka kale ee dalka ka dhacay, laguna TIJAABINAYO Xukuumadda Cusub sida ay wax uga qabto, waa ARRINTA SIYAASADDA. Iyadaa sabab iyo horseed u ah dhaqankii keenay burburkii ku dhacay qaranimada Soomaaliya; dhaqankaas oo, sida la ogyahay, isgu jiray: mamul xumu, cadaalad daro, ku tagrifal awoodda dowladnimada iyo, tan ugu ba’an, ku xad gud nolosha iyo KARAMADA qofka muwaadinka ah

Dhinac kale, arrimaha maalmahan ugu danbe ka dhacay magaalada Kismaayo iyo muranka ku saabsan maamul u sameynta gobolada Jubooyinka iyo damaca SHISHEEYE ee ku hoos jira dhismaha JUBALAND STATE ama AZAANYA iyo sida ay bulshada dhexdeeda uga kiciday kala shaki iyo farta isku fiiqa, waxayna tuusaale muuqda u tahay dabeecadda dhibaatada siyaasadeed ee hortaal Dowladda iyo Baarlamaanka Cusub, taasoo u baahan in si xil-kasnimo iyo garasho leh lagu daweeyo

Tan kale, hanaanka FEDERAL-ka ee lagu muransanyahay iyo qaabka la doonayo in gobolada dalka looga hirgaliyo, waxaan shaki laheyn inay abuuri doonaan qas siyaasadeed iyo khilaafaad aan horey loo arag. Jahwareerka iyo guuxa socda waxay muujinayaan in NIDAAMKA federalka uu bulshada dhexdeeda, durbadiiba, ka kiciyay xassaasiyad qabiil oo aan loo baahneyn inay dib usoo noolaato.

Sidaa darteed, xallinta mushkilada siyaasadda waa furaha xasilinta dalka iyo soo celinta AMAANKA, taasoo lagu heli karo, sida aan horay u tilmaamay, dib u heeshiin DHAB AH iyo inla abuuro jawi Soomaalinimo oo horseeda in bulshadu ay is aaminto, kana gudubto dhibaatooyinkii lasoo maray.

Mustaqbalka Siyaasadda Dalka

Aqoonta, wacyiga iyo meel marinta cadaaladda bulshad waa wadada mustaqbal fiican

Bulsho kasta waxay dib u fiiridaa, kana faa’iideystaa waayaha kala duwan iyo duruufaha adage ee soo maray. Tixda dhacdooyinka TAARIIKHEED, (Chronology of historical events) waa cashir ama darsi qoran oo lagu qiyaaso umuuraha socda iyo marxaladda jirta, islamarkaana lagu saadaaliyo mustaqbalka iyo halka ay wax u socdaan.

Soomaaliya, ilaa sanadihii yaraa ee dowladnimadeed, 1960-1991-kii, waxaa soo maray duruufo siyaasadeed, bulshadeed iyo dhaqaale oo inkastoo aysan laheyn hal waji ama qaab kaliya, hadana tusinaya in Soomaliya ay guud ahaan, dhinaca maamulka dowladnimada, ay ku jirtay horumar tartiib-socod ah, oo haddii lagu sameyn lahaa toosin iyo hagaajin, (Reform), gaari lahaa heer laga maqsuudo.

Fahamka qaabka aw u shaqeeyo Hanaan Dowladeed, (System of Government), gaar ahaan shuruucda iyo xajinta nidaamka, (Discipline) iyo dabeecadda ay leedahay mas’uuliyada qofku u hayo dalka, -ha noqoto siyaasad ama maamul guud sida mareynta dhaqaalah, qorshaha, adeegga bulshada, fulinta cadaaladda iyo hawlaha dhinaca amaanka; arrimahaas oo ah kuwa ugu muhiimsan dowladnimada ayaa marxaladda cusub waxay loo baahanyahay in horumarintooda xoogga la saaro, iyadoo dadka hawlwadeenada ah, ama noqonaya, loo sameynayo barnaamijyo aqoon kordhin, xirfado sare iyo wacyi galin joogto ah.

Haddii aan si kale u sheego, mustaqbalka siyaasadda dalka waxuu rahmad u yahay ama ku xiranyahay aqoonta iyo xil gudashada dhammaan shaqaalaha dowladda, heer kasta, madax ama hawlwadeen caadi ah. Fahamaka qofku u leeyahay hawsha uu hayo iyo sida aw u dareemayo gudashada mas’uuliyadda waa laba waajib oo is dul saran, (

Overlap duties) –sida awgeed shaqsi laguma tilmaami karo inuu aqoon u leeyhay hawsha uu qaranka u hayo isla markaana yahay qof aan xikas aheyn

Xaqiiqadaas marka aan dib ugu fiirno dhibaatooyinkii dalka soo maray iyo dhaqankii horseeday maamul xumada iyo ku tumashada shuruucda iyo

Mabda’a Cadaalada Bulshada, ee ugu danbeyntiin keenay in dalku galo dhiilo siyaasadeed iyo marxalad madow waxaa noo muuqanay in, inta badan, dadkii xilka iyo mas’uuliyadda u hayay qaranka aysan gaarsiisney heerka aan soo tilmaamay

Mustaqbalka ay bulshada Soomaaliyeed u hanqal taagayso waa, mid ay waajib tahay, inuu ka duwanaad xaaladihii siyaasadeed ee lasoo maray iyo dhaxalkii qaraaraa oo ay ka tageen dhammaan dowladihii dalka ka jiray, ilaa dhalashadii Qaranka Soomaalida iyo burburka dowladdii dhexe

Sidaa darted, iyadoo la ogsoonyahay dhibaatooyinka faraha badan iyo CARTANKA SIYAASADEED, (Political Challenges)* ee sugaayo Dowladda Cusub ayaa loo baahanyahay inla helo, laguna hawl galo Aragti sugan, qorshe iyo barnaamij siyaasadeed oo si dhab ah uga tarjumaya himilada iyo rajada Ummadda Soomaaliyeed ay ka qabto marxaladda bilaabatay iyo hogaamiyaasha Dowladda Cusub ee Soomaaliya.

Xassan Xayle hassanhaile@hotmail.com

 

FG: sida ka hortimaada qooraa kasta, waxaa dhibaato ka jirtaa eryada aan leysku raacin macnaha TARJUMADOODA. Erayda aan sida muuqata u qoray ama galiyay QAANSOOYINKA, (BRACKETS-ka) haddii uu qof aqrista ah macno kale u haayo, fadlan, isoo qor adigoo ku mahadsan!