Daawo:Gudoomiyaha Waaxda 6aad ee Manneapolis Abdi Warsame Oo Meel Mariyey Qaraar U Qondayse Deeq Magaalada Bosaso

0
26

Minneapolis: Gudoomiyaha degmada 6’aad Mudane Abdi Warsame ayaa maalintii jimcaha horgeeye golaha degaanka Magaalada Minneapolis, qaraar u qondayse gaadiid iyo qalab amni magaalada Bosaso ee xarunta ganacsiga Dowlada Puntland. Mudane Abdi Warsame oo la hadlaaya xildhabaanada gudiga iskaashiga dowladaha (IGR Committee) ayaa sharaxay fariinta ay deeqdaan dirayso xilli Muslimiinta Mareekanka ay dareensan yihiin in la bartilmaamaysanaayo.

“Waxaan maraynaa xilli saashaduhu ay saaranyihiin hadalada nacaybka abuura oo aan laga gabanaynin in la aflagaadeeyo Muslimiinta iyo qowmiyadaha laga tirada badanyahay,” ayuu yiri Abdi Warsame. “Maanta Minneapolis waxay haysataa fursad ay ku beeniso warxumo tashiilkaas islamarkaasna ay gacan u fidiso magaalada aynu mataanaha la nahay ee Bosaaso.

Deeqdaan maanta la ansixiyey ayaa ka kooban 2 qaybood. Qaybna waa gaadiid iyo qalab dabdemis. Qaybta kalena waa qalab loogu talagalay in lagu qalabeeyo xarun dembi baaris ah (Crime Lab) oo ay dhawaan iska kaashanayaan maamulada Minneapolis iyo Bosaso. Qalabkaan ayaa isugu jiro agabka dembi baarista dhinancyadeeda kala duwan sida faraha, rasaasta iyo technologiyad casri ah oo lugu baaro dembiyada.

Abdulqudus Donyale (Abdi Salah) oo ah lataliye-sare (Senior Policy Aide) degmada 6’aad ee Minneapolis ayaa noo sharaxay qalabka la ogalaaday shalay waxay ka koobanyihiin:

1. Fire fighter truck #71450;
2. Fire fighter truck #71440;
3. Rescue Spreader HURST ML-32
3. Express van #75533;
4. Power Head HURST JL-4GH with Honda motor
5. Public/life safety equipment to the City of Bosaso, Somalia

Dhamaadkii 2014 ayay ahayd xilli uu meelmariyey Mudane Abdi Warsame qaraar lagu mataanaynaayo Magaalooyinka Minneapolis iyo Bosaaso. Xafiiska degmada 6’aad ee Minnapolis ayaa sanadkii 2015 gaarsiiyey deeqdii u horayse Bosaaso oo ka koobnayd 50, 000 oo buugaag.

Si kastaba ha ahaatee, waa markii u horayse magaalo mareekan ah deeq caynkaaan oo kale ah ugu deeqdo magaalo ku taalo dalka Somaaliya.