Jaaliyada Galmudug oo Shariif Xasan Xaflad soodhoweyn ah Roma ugu sameeyay

1
65

ShX

 

 

 

 

 

Wararka ka imaanaya magaala madaxda Talyaaniga ee Roma ayaa waxay ku waramayaan in Wafdigii uu hogaaminayay Shariif Xasan Sheekh Aadan Madaxweynaha maamulka Gacan ku rimiska beesha Hawiye ee KoonfurGalbeed sedex gobol oo maalintii Sabtida gaaray Roma ayaa habeenimadii xalay Xaflad soo dhoweyn iyo sagootin isugu jirtay ay u sameeyeen Jaaliyada Galmudug oo kaashanaysa beelaha Hawiye ee ku sugan magaalada Roma.

Xafladan oo ay soo qaban qaabiyeen Jaaliyada Galmudug oo kaashanaysa kuwa beelaha Hawiye ayaa abaabulkeeda waxaa lahaa Haweeney lagu magacaabo Maryan Maxamed Sheekh Cismaan oo iyadu dumaashi u ah Shariifka sidoo kale ayaa Xafladan waxaa qayb ka ahaa Madaxweynaha Gobol iyo Bar ee GalMudug Cabdikariin Guuleed.
Jaaliyada KoonfurGalbeed Soomaaliya ee ku sugan magaalada Roma ayaa waxay aad ula yaabeen qaab dhaqanka Shariif Xasan iyo weli mas’uuliyad darada uu u muujiyay jaaliyada KoonfurGalbeed ee Roma iyadoo dhankoodana qaadacay ka qaybgalka Xafladaas.
Si kasta oo loo dhigaba talaabadan uu Shariif ku dhaqaaqay ayaa waxay muujinaysaa sida aanu Shariif marnaba diyaar ugu ahayn in dadkiisa uu kala hadlo arimaha la xiriira maamulkiisa oo cabashooyin baaxad lihi hareeyeen.

1 COMMENT

  1. ASC walaalaha D/M, Aad waxan uga xumahay oo qofkasto damiir lehna ay tahay inuu ka damqado dadnimada darrada heysato darajadoonka madaxweyne iskusheega K/G iyo dhibaatada heysato D/M meel kasta oy joogaan, taasoo kasii dartay intii uu madaxda u noqday isma ogaha oon damiirka laheyn oo isagoo dadkiisi lagu xasuuqaayo meel kasta ay joogaan inuu isdareen siiyo iska daaye aan kaba hadleynin, weliba tan kasocoto Puntland iyo Mudug haddana isla iyagii ku soo dhoweynaayaan shirar dal iyo dibadba. Ilaahow adaa no maqan

Comments are closed.