Dekada Weyn ee Magalada Muqdisho oo Ay Galabta Hirar Waaweyn Ku Dhufteen

0
35

Dekedda weyn ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku dhuftay Gellinkii dambe Maanta Mowjado ka dhashay bad-gariir ka dhacay Badweynta Hindiya, sida ay sheegeen Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Dekedda ee Muqdisho.

La-taliyaha Maamulka Dekedda Muqdisho, Axmed Cabdi Wataac oo VOA-da la hadlayay ayaa sheegay in Mowjadahan maanta ku dhufatay dekedda Muqdisho ay sababay khasaare burbur ah oo soo gaaray dekedda iyo maraakiibtii ku xirnaa qaarkood, laakiin aysan geysan wax khasaare nafeed ah.

Sidoo kale, Wataac ayaa xusay in saaka markii ay shaqooyinka Dekedda billaabanayeen ay dareemeen in is-beddel uu ka jiro Badweynta Hindiya, Mowjadana ay ku dhufatay dekedda 3:00 galabnimo, kuwaasoo socday illaa 5:30 galabnimo ee Maanta.

Mar uu ka hadlayay khasaaraha soo gaaray Dekedda Muqdisho, ayuu xusay inay burbureen laamiyadii iyo barxadaha badeecooyinka la dhigi jiray ee dekedda, ayna dhex-yaalaan biyo fara badan, isagoo xusay in haddii aan la dayactirin aysan suuro-galayn in Dekedda lagu sii shaqeeyo.

Su’aal ahayd – Khasaaraha Maraakiibtii ku xirnaa dekedda soo gaaray ayuu kaga jawaabay. “Saddex Markab ayaa dekedda ku xirnaa xilligaan, kuwasoo laba ka mid ah laga dajinayay Sokor, waxaana isku dhacay laba markab oo ka mid ah Maraakiibta, midkoodna uu Duleel gaaray, ugu dambeynna bannaanka ayaan u dhignay Barroosinka, halkaas ayayna ku Xiran yihiin.”

Ugu dambeyn, Axmed Wataac ayaa sheegay in hawlaha Dekedda ay mowjaduhu hakiyeen, isla markaana khasaare weyn uu soo gaaray dekedda, laakiin shaqaalihii ku sungaa xiligaas dekedda uusan soo gaarin wax khasaare nafeed ah.