Ciidamada Nabadsugida Ayaa Sheegey Iney Maanta Gacanta Ku Dhigeen Gaari Laga Soo Buuxshey Waxyaalaha Qarxa

0
27

Ciidanka Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Somalia ayaa Sheegay inay goor-dhaw Gacanta kusoo dhigeen maanta laba Gaari oo mid ka mid ah uu miineysnaa, halka kan kalena ay wateen kooxo hubeysan oo ka tirsan Al-shabaab.

Saraakiil u hadla Nabad-sugidda Qaranka ayaa xusay in gaariga miineysan la rabay in lagu weeraro mid ka mid ah maqaayadaha lacaga cunteeyo ee ku yaalla isgoyska Lamabar Afar ee bartamaha Muqdisho, halka kooxaha hubeysanna ay doonayeen in weerar toos ah ay ku qaadaan qaraxa kaddib.

Warar ka madax-bannaan Saraakiisha Nabad-sugidda Soomaaliya ayaa sheegaya in Ragga hubeysan ee la qabtay ay tiradoodu ahayd laba ruux, waxayna arrintaan ku soo beegmaysaa iyadoo toddobaadkii hore ay ciidamada Nabad-sugiddu gacanta ku dhigeen gaari miineysan oo ku sugnaa degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir.

Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyaddda Qaraxaan la sheegay inuu ka dhacay Degmada Wardhiigley ee gobolka Banaadir, Waxaana sidoo kale aysan ka hadlin laamaha amniga dowladda federaalka Soomaaliya.