Madaxweynaha Dalka Mareykanka oo Sheegey In Mareykanka Uusan Ciidamo Lugta Ah u Direyn dalka suuriya

0
26
FILE - In this Friday, Dec. 18, 2015, file photo, President Barack Obama speaks during a news conference in the White House Brady Press Briefing Room in Washington. Obama is slated Monday, Jan. 4, 2016, to finalize a set of new executive actions tightening the nation’s gun laws. (AP Photo/Pablo Martinez Monsivais, File)

Madaxweynaha Mareykanka, Barack Obama ayaa mar kale sheegay inay ka go’an tahay in si awood xukunka looga tuuro Madaxweynaha Suuriya, Bashar Al-Assad, isagoo xusay inaysan Mareykanku ciidammo lugta ah u dirayn Suuriya.

Obama oo wareysi siiyay BBC-da ayaa xusay in Cadaadisyada Caalamiga ah ee la saarayo dhammaan Dhinacyada oo ay xukuumadda Ruushku ay ka midtahay ay keeni karto inay ka wada-xaajoodaan nidaam siyaasadeed oo ku meel gaar ah oo laga hirgeliyo dalkaas.

Sidoo kale, Madaxweynaha Mareykanka – ayaa sheegay inay sii wadi doonaan Duqeymaha ka dhanka ah, Kooxda Islaamiga ah ee ISIS/Daacish ee ku sugan Suuriya, Taasoo uu xusay inay barbar socon doonaan dadaaladda lagu soo af-jarayo dagaalka sokeeye ee Suuriya.

Madaxweyne Obama, ayaa hadalkiisa sii raaciyay inuu Aaminsan yahay in Mashaakilka ka jira Caalamka uu u baahan yahay in xal caalami ah oo loo dhan-yahay laga gaaro.