Ergeyga Midowga Yurub oo Ka hadley Sababta Loo Dhimey Mishaarka Ciidamada Amisom ee Ka Howlgala Somaliya

0
31

Ergayga Ururka Midowga Yurub ee Arrimaha Somalia Michele Cervone D’Urso, ayaa ka hadlay sababaha ay 20% uga dhimeen Mushaaraadkii ay siin jireen ciidamada Midowga Afrika ee ka hawl-gala Soomaaliya [AMISOM].

Danjire Michele Cervone ayaa xusay in horay ugu wargeliyeen taliska AMISOM inay dhimayaan mushaarka ay qaataan ciidamada AMISOM, isagoo intaas ku daray inay in lacagaha ay ku taageeraan ciidamada AMISOM ay meelo kale u weecinayaan.

Sidoo kale, Wakiilka oo la hadlayay Wargeyska The Star ee kasoo baxa dalka Kenya ayaa sheegay inay Midowga Yurub uu yahay taageeraha ugu weyn AMISOM, ayna sannad walba ku bixiyaan hawl-galka 200-milyan oo doollarka Mareykanka ah.

Dhanka kale, Midowga Afrika ayaa sheegay in askariga ciidamada AMISOM ka tirsan uu mushaar ahaan u qaatan doono bishii 828-doollar, iyadoo dalkiisa 200-doollar ka goosanayaan mushaarkaas, lacagtaasoo ay ay ku sheegeen inay horay u jirtay.

Mushaarka a`skariga ka tirsan AMISOM ayaa horay u ahaa 1,000-doollar, waxaana horay la is-weydiin jiray sababta Askariga AMISOM lacag intaas dhan uu ugu qaato hawl-galka ay ka wadaan Soomaaliya.