Dhegeyso:Shariif Xasan oo Kacdoonka Gobolka Shabeelaha Hoose Ku Tilmaamey Iney Alshabab ka Dambeyso.

1
31

Waxaa maanta magalada baydhabo soo gaarey madaxweynaha maamulka rimey gacmeedka ah koonfur galbeed ee seddexda gobol Shariif Xasan Sheekh Aadan kadib kolkii booqashooyin uu ugu maqnaa dalka talyaaniga iyo dalalka deriska ah uu dib uga soo laabtey.

Shariifka ayaa kolkuu kasoo degey garoonka diyaaradaha ee shaati gaduud international airport ee magalada baydhaba waxa uu halkaasi kula hadley saxaafada, Shariifka ayaa waxaa uu sheegey inuu aad uga xun yahay kacdoonka shacabka gobolka shabeelaha hoose ay bilaabeen iney isaga tuuraan heeryada maleeshiyaadka beelaha hawiye ee ku habsadey gobolka sidoo kale shariifka ayaa ku tilmaamey kacdoonka shacabka shabeelaha hoose iney ka dambeyso xarakada alshabab.

Hadalka shariifka ayaa waxaa uu imanayaa ayadoo todobaadyadii lasoo dhaafey dhaqdhaqaayo xowli ku socdey oo lagu diiddan yahay joogitaanka maleeshiyaadka beelaha hawiye gobolka shabeelaha hoose uu ka dilaacay degmada afgooye aydoo horey kacdoon kan la mid ah uu uga jirey degmada marka iyo deegaanada la xiriira.

Hadalkan kasoo yeerey Shariif Xasan ayaa waxaa uu tusaale cad u yahay maamulka gacan ku rimiska ah ee shariifka in uu yahay mid ay sameysteen beelaha hawiye una shaqeeya, Hase yeeshee dadka ku dhaqan gobiolka shabeelaha hoose ayaa haatan waxaa ay ku baraarugeen in maamulka shariif iyo maleeshiyada beelaha hawiye ay yihiin kuwo isku qorshe ah kolka laga hadlayo caburinta reer shabeelaha hoose.

Shariif Xasan

Halkan hoose kaga dhegeyso mobilkada

Shariif Xasan Mobil

 

1 COMMENT

  1. SAKIIN SIXIROOLE iyo maamul ku sheega maafiyada Asharaafta ee Koonfur/Galbeed, waxa ku haayo meesha eey danahooda fuliyaan qabaane u yaheen: mooryaanta iyo ciidan beeleedka ku labisan tuutaha dowlada ee beesha Hawiye. Waxa kale oo eey u naageyaan una adeegaan gumeeysiga Itoopia iyo Kenya. Waxa loo adeegsada barakicinta, dhaca, caburinta, xalaalaysiga hantida shacabka iyo boobka dhulka Konfur Galbeed Somaliaya.Hadalkan kasoo yeerey SS ayaa ah tusaale cad.

Comments are closed.