Guddoomiyaha Xisbiga UCID ee Somaliland, Feysal Cali Waraabe oo Ku Baaqey In Wadahadalada La Hakiyo Intuu Xasan Sheekh Ka Baxaayo

0
32

Guddoomiyaha Xisbiga UCID ee Somaliland, Feysal Cali Waraabe ayaa ku baaqay in la joojiyo wadahadalka u socda Dowladda Federaalka iyo Maamulka Somaliland, kaasoo in muddo ah hakad ku jira.

Inj. Feysal Waraabe ayaa sheegay in Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh aanay u soo jeedin wadahadallada, ayna taas badalkeeda ku mashquulsan yihiin doorashada kusoo socota ee dhacaysa sannadkan daba-yaaqadiisa.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee UCID ayaa sheegay in Dowladda Xasan Sheekh aanay daacad ka ahayn wadahadallada ay kula jirto Somaliland, isla markaana hannaan wadahadal loo wadi karo aanay iminka u muuqan isaga.

Hadalka Inj. Faysal ayaa kusoo beegmaya iyadoo xukuuumadda Somaliland ay ka dhawaajisay dhawaan inay doonayso inay ka miro-dhaliyaan wadahadallada ay kula jiraan xukuumadda federaalka Soomaaliya.