Maxkamada Magalada Muqdisho oo Xukun Ku Ridey Dadkii Loo Heystey Qaraxii Baydhabo Ka Dhacay Madama Maamulka uu Sameysan waayey Garsoor

0
42

Muddooyinkii dambe Maxkamadda magalada muqdisho ayaa ku guda jirtay dhageysiga dacwad la xiriirta eedeysanayaal loo haystay Qaraxyadii ka dhacay degmada Baydhabo 28-kii Bishii February, ayaa saakay xukun ku riday dadkii loo haystay arimahaasi.

Dadka saakay maxkamada ay xukuntay ayaa Afar ka mid ah waxa ay yihiin rag loo haystay soo abaabulida Qaraxyadii ka dhacay Baydhabo ee dadka badan ay ku dhinteen, halka ruuxa kalena uu yahay Askari ka tirsan ciidamada Dowladda oo qof shacab ah dilay.

Guddoomiyaha Maxkamada Liibaan Cali Yarow, ayaa ku dhawaaqay in Afarta ruux ee loo haysto Qaraxyadii ka dhacay Magaalada Baydhabo 28-kii Bishii February, afartoodaba lagu xukumay dil toogasho ah.

Afarta Nin ee la xukumay ayay Magacyadooda kala yihiin; Xasan Aadan Mursal (Xasan Yare), Cabdul-ladiif Macalin Aadan Macalin C/raxmaan, Siyaad Xasan Faarax iyo Sharmad Aawoow Maxamed, iyadoo uu jiro ruux Shanaad oo ka maqan gacanta Maxkamada, kaasi oo isagana dil toogasho ah maxkamada ay ku xukuntay.

Sidoo kale Maxkamada ayaa xukun ku riday C/qaadir Cali Maxamed oo loo haysto inuu wax ka ogaa Abaabulka Qaraxyadaasi, maadaama uu ku sugnaa Garaashkii lagu soo diyaariyay Qaraxyada, waxaana lagu xukumay hal sano oo xabsi ah.

Si kastaba arintu ha ahaatee maamulka shariif xasan ee ka arimiya goboladaasi aya mudadii uu jirey awoodi waayey in uu sameysto garsoor cadaalad ah oo ka kooban dadka kasoo jeeda deegaanka taasoo micnaheedu yahay in maamulkiisa laga xukumo magalada muqdisho, Maamulkan waa maamulka keliya ee ka jira somaliya oo dadka dadka maxkamadeynayo laga soo diro magalada muqdisho taasoon sababteeda ilaa iyo hada la garan.