Ma xisaabtanaa si aan horey ugu socono?

0
56

Isla xisaabtanku waa wado ka mid ah wadooyinka ay adeegsadaan ummaddaha horumaray isla markaana ku gaaray guulo ay u aayeen halka ummaddaha dib u dhaca iyo musuqu la harayna ay yihiin kuwo ka maagay amaba diiday inay isla xisaabtamaan sabab walba ha yeelatee.

Hadaba kol hadii aynu isla garanay inuu islaxisaabtanku yahay wado si sahlan ay ummaddu horumar ugu gaari karto ma waanay ahayn in aan isweydiino maanta halka ay ummaddeenu ka taagan tahay isxisaabinta?

Waxaa jira fursado badan oo xunbaarsan rajooyin aad u wanaagsan oo maanta ay ummaddeenu mudan tahay in looga wada faa’iideeyo si loo gaaro hiigsiga ummaddeed ee ku aadan in loo baxo Berri Amaan,leh nolol iyo mustaqbal loo aayo,Si taa loo gaarana waxaa lama huraan ah in qayb kasta oo ka mid ah bulshadu ay ogolaato marka hore inay isla xisaabtanto ka dibna is xisaabiso iyadoo halka loo socdaana ay tahay in la helo hogaan heer walba leh oo ummadda iyo doonisteeda matala kuna matala fagaarayaasha ka duwan.

Waa dhab in bulshana hogaan la’aan aan horumar gaari karin sidaa si la mid ahna aanu hogaan waxba qaban karin bulsho la’aanteed,Kol hadii labadan qayb midna aanu kan kale ka maarmayn ma waanay ahayn in dhexdoodu islaxisaabtan uu ka jiro marwalba si loo maareeyo Hogaanka iyo Himilada shacabka?.

Inkasta oo ay ummadduhu ku kala gedisan yihiin Qaabka iyo Cida xaqa u leh inay hogaanku la xisaabtamaan ayaa waxaa hadana hubaal ah in guud ahaan la xisaabtanka hogaanku ay leeyihiin Bulshada amaba Cida leh Wakaalada Bulshada oo magacyo kala gedisan yeelan kara.

Anigoo ka duulaya Horudhaca iyo cadeynmaha ku xardhan ayaa waxaan isku dayi doonaa inaan soo bandhigo muga qoraalkayga oo ku aadan In la isla xisaabtamo bulsho iyo Hogaan si loo gaaro horumar ay u aayaan kuwa naga danbeeya ee jiilka danbe.

*Hogaan lagu halayn karo bulshada masiirkeeda ma leenahay?

Runtii waa su’aal dhawaq weyn leh oo jawaabteedana lagu kala gedisnaan karo balse waxaa hubaal ah in ummaddan ay leedahay hogaan bulsho oo weliba intiisa badan soo jireen ahaa misna maanta u taagan Golaha dhaqanka beelaha kaasi oo leh wakaalad bulsho oo sugan,Sidaa si lamid ahna waxaa wakaaladooda ku jooga maanta maamulka jira sabab kastaba haku qaatee wakaaladaas Sax iyo Khalad!

*Sideen u xisaabtanaa?

Guud ahaan Islaxisaabtanku ma ahan sida ay Anigu ila tahay shay maalin bilowda maalina ku eg amaba dhamaada balse waa shay taagan oo tagtadiisa iyo maareynta joogtadiisa ay bulshadu u taalo iyadoo sidoo kalena wakiilada Bulshadu ay lama huraan tahay inay kula xisaabtamaan kuwa ay gacanta u geliyeen wakaaladii Shacabka, sidaasina ay ku bilaabanto islaxisaabtan dhexmara Bulshada iyo u adeegayaasheeda.

*Xageen ka bilownaa Xisaabtanka?

“Tagta daa Timaado ogow”waa oraah leh cabir ku qotoma maareyn ku wajahan bilow Islaxisaabtan aan cidi loogu darnaanayn looguna roonaaney waxaana uu ujeedku yahay in xiligan la joogo laga faa’iidaysto oo lala xisaabtamo dhamaan inta magaca ummadda xil maamul ku haysa,Si gaar ahna kuwa hada xilka kasii dhamaanaya ee golayaasha Fedraalka oo la xisaabtan ka dib ama loo cusboonaysiiyo xilka amaba loo diido cusboonaysiinta xilkii ummaddeed kadibna cid wax gal ah oo mustaqbalka ummadda kala weyn tiisa gaarka ah ay meesha keenaan.

Gunta iyo gabagabadii waxaa maanta joognaa sida aan u dhanahay Shacab iyo Mas’uuliyiin xili aan ka faa’iidaysan karno wixii aan ka baranay waqtiyadii laga soo gudbay wixii nasoo marey,Si taa looga gun-gaarana waxaa saldhig u ah Isla-Xisaabtan ee Ma Is-Xisaabinaa?!

FG.Si aynu u gaarno ra’yiga dadweynaha iyo Guuxa kasoo yeerayo waxaa aad noogu weyn misna muhim inoo ah in aad ra’yigaaga ku soo biiriso qoraalkan si aan u soo bandhigno adoo ka jawaabaaya su’aalahan?

1-Ma u baahanahay in aan isla xisaabtano si aan horey ugu socono?
2-Sideen u xisaabtanaa,qaab cayimanse ma jiraa?
3-Xageen ka bilownaa isla Xisaabtanka?
4-Hogaan lagu halayn karo bulshada masiirkeeda oo ogol in lala Xisaabtamo ma leenahay(Dhaqan iyo Siyaasad)?
5-Maxaa xal ah?

Waa Qalinkii.
Abdiaziz ShSalah.