Baarlamaanka oo maanta ansixiyey xeer hoosaadyada uu ku shaqeyn doono

Xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta cod aqlabiyad ah ku ansixiyay xeer hoosaasyada uu baarlamaanka Soomaaliya ku shaqeyn doono afarta sano ee soo socota, iyadoo aanay jirin cid kasoo horjeesatay iyo cid ka aamustay.

Kulanka ay xaadireen 188 mudane ayuu guddoomiyaha baarlamaanku, Prof. Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) wuxuu sheegay in xidihbaannadii kulanka soo xaadiray oo dhan ay ku codeeyeen HAA, isagoo xusay inaysan jirin cid kasoo horjeesatay.

Codeynta ka hor ayay xildhibaanno hadlay waxay sheegeen in qodobbo ka tirsan xeer hoosaadyada wax laga bedelo, inkastoo wadatashiyo badan kaddib la isku af-gartay qodobbadaas, lana geliyay xeer hoosaadka codeyn gacan taag ahayd.

Xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxay toddobaadyadii lasoo dhaafay ka doodayeen xeerka maanta la ansixiyay, iyadoo guddi gaar ah oo loo saaray ay dib u habeyn ku sameeyeen xeerka oo markii hore qodobbadiisu aad u badnaayeen.

Daafeet.Com


Shabakada Daafeet.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail comments@daafeet.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Wararkii U Danbeeyay

farole Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland oo ka hadley Dastuurka soona dhaweeyey Maamulka loo dhisey Jubaland
- May 21, 2013
Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole ayaa ka hadlay Dastuurka dalka iyo ...
baris Ciidamada Boliska iyo kuwa Nabadsugida oo maanta howlgalo lagu sugaayo amaanka ka sameeyey Magalada Muqdisho
- May 21, 2013
Ciidamada Dowladda Soomaaliya gaar ahaan Booliiska Iyo Nabadsugida ayaa saaka howlgal wadajir ah waxa ...
baydhabo Muran dhexyaaley Maamulka Gobolka Bay oo lasoo Af-jarey
- May 21, 2013
Khilaaf dhowaan soo kala dhex galay maamulka cusub ee ku-meel-gaarka ah ee dowladda Soomaaliya ...
xildhinaada Qaar ka mid ah Xildhibaanadii Mooshinka geeyey oo dib u gurasho sameeyey
- May 21, 2013
Xildhibaanno ka mid ah kuwii mooshinka ka geeyay xukuumadda Soomaaliya ayaa qaarkood sheegay inay ...
wadajiro Wararka Wadajirradio Atlanta.
- May 20, 2013
---Madaxweynaha Soomaaliya oo Soomaaliland oo ugu baaqay in ay la midowdo mar kale Soomaaliya ...