Baarlamaanka oo maanta ansixiyey xeer hoosaadyada uu ku shaqeyn doono

0
48

Xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta cod aqlabiyad ah ku ansixiyay xeer hoosaasyada uu baarlamaanka Soomaaliya ku shaqeyn doono afarta sano ee soo socota, iyadoo aanay jirin cid kasoo horjeesatay iyo cid ka aamustay.

Kulanka ay xaadireen 188 mudane ayuu guddoomiyaha baarlamaanku, Prof. Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) wuxuu sheegay in xidihbaannadii kulanka soo xaadiray oo dhan ay ku codeeyeen HAA, isagoo xusay inaysan jirin cid kasoo horjeesatay.

Codeynta ka hor ayay xildhibaanno hadlay waxay sheegeen in qodobbo ka tirsan xeer hoosaadyada wax laga bedelo, inkastoo wadatashiyo badan kaddib la isku af-gartay qodobbadaas, lana geliyay xeer hoosaadka codeyn gacan taag ahayd.

Xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxay toddobaadyadii lasoo dhaafay ka doodayeen xeerka maanta la ansixiyay, iyadoo guddi gaar ah oo loo saaray ay dib u habeyn ku sameeyeen xeerka oo markii hore qodobbadiisu aad u badnaayeen.

Daafeet.Com