Qarax Goor Dhaweyd Ka Dhacay Suuqa Xoolaha Ee Degmada Afgooye

0
26

Wararka aynu ka heleyno degmada afgooye ee gobolka shabeelaha hoose ayaa sheegaya in maanta qarax uu ka dhacay suuqa xoolaha ee degmadaasi.

Inta la ogyahay ilaa iyo hada waxaa qaraxan ku dhaawacmey 3 ruux, iyadoo aysan jirin wax dhimasho ah.

Ciidamo ku labisan dareyska dowlad aayaa la sheegayaa iney soo gaareen goobta uu qaraxa ka dhacay.

Maamulka demada Afgooye ayaanan wali ka hadlin qaraxan maanta ka dhacay suuqa xoolaha ee degmadaasi.

Ma aha markii ugu horeysey oo qarax noocan oo kale lala beegsado suuqa degmada afgooye ayadoo kii ugu dambeeyey uu halkaasi ka dhacay bishii aynu soo dhaafney kaasoo geystey qasaaro isugu jirta dhimasho iyo dhaawac