Dagaal ey isaga horyimaadeen Ciidamada Dowlada iyo ku Alshabab oo ka dhacay degmada Bardaale

Dagaal aad u culus ayaa shaley gelinkii dambe waxaa uu ka dhacay degmada Bardaale ee gobolka Bay kaasoo ey isaga hor yimaadeen ciidamada dowlada iyo kuwa Alshabab

Dagaalkan oo la isku adegsanaayey hubka noocyadiisa kala duwan ayaa ilaa iyo hada Inta la ogyahay waxaa ku dhintey lex ka mid ah dhinacyadii ku dagaalamey.

Mas’uuliyiinta gobolka Bay iyo Al-shabaab ayaa mid walba wuxuu dhiniciisa sheegay inay iyagu weerarka qaadeen, iyadoo guddoomiyaha gobolka Bay uu sheegay in howgalkaas ay ku dileen sarkaal sare oo ka tirsan Al-shabaab iyo afar xubnood oo kale.

Geeseeye wuxuu hadalkiisa ku daray in sarkaalka ay ku dileen howgalka uu horay u ahaan jiray taliyeyaasha booliiska gobolka Bay, balse uu ku biiray Al-shabaab uuna hadda ahaa mid ka mid ah hoggaamiyeyaasha Al-shabaab ee weli ku sugan gobolka.

Xarakada Al-shabaab ayaa dhankeeda sheegatay inay iyadu weerar ku qaaday ciidammo ka tirsan kuwa dowladda, ayna halkaas ku dishay tiro badan oo ciidammo ah, inkastoo aysan dhankeeda sheegin khasaaraha soo gaaray.

Daafeet.Com


Shabakada Daafeet.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail comments@daafeet.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Wararkii U Danbeeyay

breaking n War Deg Deg Ah:- Rag isku Qarxiyey Xarunta UNDP ee Magalada Muqdisho
- Jun 19, 2013
Warar goordhaweyd aynu ka helney Magalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi uu ...
sacid Reysulwasaraha Dowlada Federalka oo sheegey in xukuumadiisa ey Muhiimada koowaad saari doonto Waxbarashada
- Jun 19, 2013
Raysul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya Cabdi faarax Shirdoon ayaa ka hadlay qorshaha ...
jeylani Wefdi uu Hogaaminaayo Gudomiye Kuxigeenka Kowaad ee Barlamaanka oo ka qeyb galaya Shirka ACP-EU
- Jun 19, 2013
Wafdi ka socda baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay muddo 20 sano ah ...
amison Ciidamada Amisom iyo kuwa Dowlada oo la wareegey deegaanka Furuqleey
- Jun 18, 2013
Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa la wareegay shalay deegaanno ka tirsan gobolka ...
kismaayoow Gudomiye ku xigeenkii hore ee Maamulka Magalada Kismaanyo oo la dhaawacay
- Jun 18, 2013
Warar naga soo gaarey Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in ...